Ereyga Maanta: kelmi
kadab Calaf Eebbe kuu qoray; risiq.
kadabshiir Naasleyda nooc ka mid ah oo dabaggaallaha u eg kase madow, koox-kooxna u socda oo dudumooyinka gala. ld kadafjiir, kadafshiir.
kadaf Bahal dhirxagata ka mid ah oo dabaggaallaha u eg.
kadafjiir ld kadabshiir.
kadafshiir ld kadabshiir.
kadalan Jirriqaa; warriiq.
kadalloob (1) 1. Fadhi aan salka dhulka lagu hayn oo cagaha keliya lagu fadhiyo. 2. ld kadalloobid.
kadalloob (2) Fadhi aan salka dhulka lagu hayn fadhiyid.
kadalloobi Kadalloob u fariisin.
kadalloobid eeg kadalloob². ld kadalloob¹ (2).
kadalloobin eeg kadalloobi.
kadalloobsad ld kadalloobsasho.
kadalloobsan 1. Cid kadalloobay ahaansho. 2. Cid degdegsan meel u socota ahaansho.
kadalloobsanaan eeg kadalloobsan. ld kadalloobsanaansho.
kadalloobsanaansho ld kadalloob-sanaan.
kadalloobsasho eeg kadalloobso. ld kadalloobsad, kadalloobsi.
kadalloobsi ld kadalloobsasho.
kadalloobso Si kadalloob ah u fadhiisasho.
kadankood (1) Si kadalloob ah oo loo fadhiisto. ld kadankoodid.
kadankood (2) Meel dhulka ka yaraha sarreeysa oo dakhal ka hooseeyo.
kadankood (3) Kadalloob u fariisasho.
kadankoodid eeg kadankood³. ld kadankood¹.
kadankoodsad ld kadankoodsasho.
kadankoodsan Wax meel kadankooday ahaansho.
kadankoodsanaan eeg kadan-koodsan. ld kadankoodsanaansho.
kadankoodsanaansho ld kadan-koodsanaan.
kadankoodsasho eeg kadankoodso. ld kadankoodsad, kadankoodsi.
kadankoodsi ld kadankoodsasho.
kadankoodso Kadan-kood u fariisasho.
kadbasho eeg kadbo.
<< < 872 873 874 875 876 877 878 879 880 881 882 > >>