Ereyga Maanta: wiriqlaawe
qalee Bariis inta aan biyaha lagu darin dallac ku shiilid.
qaleyn eeg qalee. ld qaleys.
qaleys ld qaleyn.
qaleysan Wax la qaleyey ahaansho (hilib, bariis).
qaleysnaan eeg qaleysan. ld qaleysnaansho.
qaleysnaansho ld qaleysnaan.
qalfaad (1) ld qalfaadid.
qalfaad (2) Jirrid aad u weyn qorid si u noqdo doon.
qalfaadid eeg qalfaad². ld qalfaad¹.
qalfoof Oogada nafleyda ee riciraha leh, iskujoogga lafahooda.
qalfoon 1. Wax gudo leh oo dubkii sare oo muuqda mooyaane aanay hoosta waxba kaga jirin. 2. ld qamboob 3. Geed faalala oo miro kulkulucsan leh oo arigu aad u jecelyahay kana mid ah geedaha wax lagu daaweeyo. 4. Qaybta sare ee lafta madaxa.
qalid eeg qal². ld qalniin.
qaliid Cad ka samaysan qoryo si gaar ah isugu rakiban oo albaabbada lagu dhejiyo, si ay u xirmaan ama ayan u furmin; qori gaar ah oo ilko kala duwduwan leh baa lagu furaa.
qalin 1. Qalab af dhuuban oo wax lagu qoro. 2. Lacag (macdan). 3. Summad geela lagu dhigo oo ah diillin daanka loogu jiido si gudub ah.
qalindaar (1) Gacan wax qoraysa oo la nuuxiyo ama la taabto oo qoristii ka xumaato.
qalindaar (2) Gacan wax qoreysa jugsiin.
qalindaarasho eeg qalindaaro.
qalindaarid eeg qalindaar².
qalindaaro 1. Qalin khad ku darasho. 2. Qof wax ka barasho.
qalinduurre Nin kutubta wax yar ka yaqaan oo haddana wax ka sheegsheega oo wadaad iska dhiga; kitaabgaab.
qalinjebi 1. Quraan dhammeyn (arday). 2. Tacliin dhammeyn. 3. Ka q.: dugsi sare ama jaamacad la yaqaan ka soo bixid.
qalinjebin eeg qalinjebi.
qalinmadow Ardada dugsiga quraanka dhigata.
qalinshubato Dad sixirka yaqaan oo intay dadka indhasarcaadiyaan wax ka qaata.
qalinshube Waxyaabaha la isku qurxiyo (siyaakhad) qof ka sameeya qalin iyo dahab.
qallaafo Hogfo.
qallaal (1) 1. Balli yar oo ay biyo ku hareen. 2. Duleelka sanka iyo afku ay isaga furanyihiin.
qallaal (2) Waddo aan toobiye ahayn.
qallac (1) 1. ld qallaco. Laba qalbac ee qori la kala jeexay oo geela wax diida faruuryaha inta xarig lagula qabto looga xiro, si marka uu xanuunsado uu u oggolaado dhashiisa ama mid kale ama uu u oggolaado. 2. Shiraac doon oo dhuuban oo daqalka korkiisa lagu xiro.
qallac (2) 1. Hal ilmo diidday qallac ku samayn. 2. Shiraaca doonta daqal ku xirid.
<< < 1173 1174 1175 1176 1177 1178 1179 1180 1181 1182 1183 > >>