Ereyga Maanta: qooshid
dheelaasid eeg dheelaas². ld dheelaas¹ (2).
dheelallaabid eeg dheelallow². ld dheerallaabid.
dheelallaabo Hurdo laga kacay oo aan weli la baraarugin, makalaalax. ld dhelallow¹, dheerallaabo, dheerallow¹.
dheelallow (1) ld dheelallaabo.
dheelallow (2) Qof hurdo ka kacay isagoo weli baraarugin dhaqdhaqaaq iyo hadal sameyn. ld dheerallow².
dheelan (1) Socodka habeenkii la socdo; guuro. ld dheelmid.
dheelan (2) Nafley habeen socosho.
dheeli Nafley dheel ku maaweelin. ld dhayali, dheelsii (2).
dheelid eeg dheel³. ld dheelis².
dheelin eeg dheeli. ld dhayalin, dhayalis¹, dheelis¹, dheelsiin.
dheelis (1) ld dheelin.
dheelis (2) ld dheelid.
dheelitiran-kiimikeed (kiim.) Falgal kiimikaad oo gedisme ah oo ribnaanta falgaleyaasha iyo maxsuulladuba aanay isla beddelin amminta sababta oo ah habdhiska ayaa ku sugan xaalad teermoodaynamik ahaan dheelitiran.
dheelli (1) 1. Dhinac u badashada wax culayskiisu dhan u bato oo uu dheellitirankii lumiyo. 2. ld dheelliyid.
dheelli (2) Wax culayskiisa dhinac u badasho..
dheellila'aan Dheellitir; dheelli la'ahaanshada.
dheellin ld dheelliyid.
dheellis ld dheelliyid.
dheellitir (1) 1. Isle'ekeysiinta culayska saaran wax labadiisa dhinac. 2. Isle'ekeysiinta xisaab labadeeda dhinac. 3. ld dheellitirid.
dheellitir (2) Xisaab labadeeda dhinac isle'ekeysiin.
dheellitiran (1) Wax la dheellitiray noqosho.
dheellitiran (2) Wax la dheellitiray ahaansho.
dheellitirid eeg dheellitir². ld dheellitir¹ (2).
dheellitirnaan eeg dheellitiran². ld dheellitirnaansho.
dheellitirnaansho ld dheellitirnaan.
dheelliyid eeg dheelli². ld dheelli¹ (2), dheellin, dheellis.
dheelmad ld dheelmasho.
dheelmasho eeg dheelmo. ld dheelmad, dheelmataan, dhelmatiin.
dheelmataan Socod habeenkii la socdo. ld dheelmasho.
dheelmatiin ld dheelmasho.
<< < 117 118 119 120 121 122 123 124 125 126 127 > >>