Ereyga Maanta: maraqsan
dhufato ld dafo.
dhufays Hog dhulka laga jeexo oo askaruhu waqtiga dagaalka xabbadda kaga gabbadaan.
dhufo ld dhifo.
dhufsad ld dhifsasho.
dhufsane 1. (xis.) Tiro ama tibaax la mid ah taranka tiro ama tibaax la isa siiyey iyo tiro ama tibaax kale. Tus. “6 waa dhufsane 2”. 2. Tiro ama tibax isirkeedu yahay tiro la isa siiyay ama tibaax. Tus. “26 waa dhufsane 13”.
dhufsane ay wadaagaan Tiro dhufsane u ah laba ama dhowr tiro oo kale. Tusaale ahaan, 100 waa dhufsanaha ay wadagaan 5,25 iyo 50.
dhufsane-yaraha ay wadaagaan (xis.) Dhufsanayaasha ay wadaagaan laba ama dhawr tiro midka ugu yar waxa la yiraahdaa dhufsane yaraha ay wadaagaan tirooyinkaas. Waxa loo soo gaabiyaa 0 dh.y.w.
dhufsasho ld dhifsasho.
dhufso ld dhifso.
dhuftin ld dhifsasho.
dhug 1. Maan; caqli. 2. (sh.r) Cod lagu muujiyo shalaqa. 3. Nishaab fiican. 4. ld dhugato.
dhugad ld dhugasho.
dhugasho eeg dhugo. ld dhugad.
dhugato Cudur geela sambabbada kaga dhaca oo qufac badan leh. ld dhug (4), dhugmo (3).
dhugatoobid eeg dhugatow.
dhugatow Dhugato qaadid (geel).
dhugaysad ld dhugaysasho.
dhugaysasho eeg dhugayso. ld dhugaysad.
dhugayso 1. (f.g) Wax nishaabid. 2. (f.mg) Dhukaan qaadid (geel). 3. (f.mg) Garaad yeelasho (qof).
dhugbadan 1. Caqli weyn lahaansho. 2. Nishaab fiican lahaansho.
dhugbadnaan eeg dhugbadan. ld dhugbadnaansho.
dhugbadnaansho ld dhugbadnaan.
dhugcid eeg dhuguc². ld dhuguc¹ (2).
dhugdhugle Gaadiid yar oo laba shaag iyo matoor leh oo hal qof ama laba qaadi kara. ld dhugdhugley.
dhugdhugley ld dhugdhugle.
dhugi Harag ari oo sida maro loo tolay. ld dhuu.
dhugla'aan Axmaqnimo; maahsanaan.
dhuglaawe Qof aan caqli badan lahayn; dhoohan.
dhugmar Dh. ah: neef geel ah oo dhugi ku dhacday oo ka biskooday ee guri noqday.
dhugmo 1. Fiiro. 2. ld dhug (1). Caqli weyn. 3. ld dhugato.
<< < 151 152 153 154 155 156 157 158 159 160 161 > >>