camcamis ld camcamin.
camcamo 1. Dhul ku rafin aan waxyeello weyn lahayn ee nafley lagu sameeyo. 2. Waqti in door ah; cabbaar. 3. ld camcamin.
cammaar C. ah: xarig ama jawaan dun adag ka samaysan.
cammayn eeg cammee.
cammee 1. Cid khayaamayn. 2. Cid indhatirid.
cammir 1. Dukaan, badeeco badan dhigid. 2. Shaah, sonkor, caleen, qoroful, hayl iwm isu dheellitirid.
cammiraad 1. Wax aan dhab ahayn oo meel maran lagu buuxiyo. 2. ld cammirid.
cammiran Wax la cammiray ahaansho (dukaan).
cammirid eeg cammir. ld cammiraad.
cammirnaan eeg cammiran. ld cammirnaansho.
cammirnaansho ld cammirnaan.
cammo C. ah: qof aan indhaha wax ka arkayn. ld cammoole.
cammoobid eeg cammow.
cammoole ld cammo.
cammow Cammo noqosho.
cammuud Ciid jilicsan oo aan lahayn habaas, dhoobo iyo dhagax.
can (caman, m.l) Labada cad ee hilibka ah oo ku yaal wejiga labadiisa dhinac midkood, waxay u dhexeeyaan isha iyo qalka hoose, ama sanka iyo dhegta.
canaab 1. Culays. 2. Daal badan oo la dareemo marka socod dheer la galo.
canaad (1) ld cinaad¹.
canaad (2) ld cinaad².
canaadi ld cinaadi.
canaadid ld cinaadid.
canaadnimo ld cinaadnimo.
canaan Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
canaanad ld canaanasho.
canaanasho eeg canaano. ld canaanad.
canaaniyo Gubtahanyo.
canaano Cid canaan u jeedin.
canaanyo ld cadanyo.
canaanyoo ld cadanyoo.
<< < 210 211 212 213 214 215 216 217 218 219 220 > >>