Ereyga Maanta: raadgan
cartirid ld catirid.
cartirnaan ld catirnaan.
cartirnaansho ld catirnaan.
carun 1. Dhiig guduudkiisu yaryahay. 2. Doog yar oo markaa soo baxay.
caruusad ld aroosad.
carwaajiis Midab guduud furan ah.
carwasaad (1) ld calwasaad¹ (2).
carwasaad (2) ld calwasaad³.
carwasaadid ld calwasaadid.
carwo Suuq weyn, lagu soo bandhigo waxsoosaarka beeraha, warshadaha iwm oo waqti go'an oo lagu daawado leh.
cas (1) 1. Kaaha midabka huruudda u eg oo arooryada hore ka muuqda dhanka bari, inta ayan qorraxdu soo bixin. 2. Meel bannaan oo ciid jilicsan leh oo la dego. 3. Midab guduud xigeen ah. 4. Sayn yaroo meel ka hoora. 5. Meel bannaan.
cas (2) Wax midabkiisu guduud furanyahay ahaansho.
casaan (1) 1.C. ah: midab guduud furan ah. 2. Dermo inteeda midabka iyo naqshadda leh. ld casiin.
casaan (2) eeg cas². ld casaansho.
casaanboor Midab casaan ah oo caddaan iyo madow ku dhafan yahay.
casaansho eeg casow. ld casaan².
casaaro ld cisaaro.
casabaysad ld casabaysasho.
casabaysasho eeg casabayso. ld casabaysad, casabaysi.
casabaysi ld casabaysasho.
casabayso Cid casabo ka dhigasho.
casabo Dad wada dhalasho ka dhexeyso; xigto; ehelo; xigaalo; qaraabo; sokeeye.
casal Malab.
casamar (1) Qaylo badan oo wax lagu cayrinayo.
casamar (2) Wax qaylo ku cayrin.
casamarid eeg casamar².
casar 1. Waqtiga u dhexeeya duhurka iyo maqribka. 2. Salaadda la tukado waqtiga casarka. ld casir.
casardheer Casarka qaybtiisa hore. ld casardheere.
casardheere ld casardheer.
casargaab Waqtiga casarka ah qaybtiisa dambe. ld casargaabad.
<< < 225 226 227 228 229 230 231 232 233 234 235 > >>