Ereyga Maanta: maddooyamaddooyo
ballaarsad ld ballaarsasho.
ballaarsasho eeg ballaarso. ld ballaarsad, ballaarsi.
ballaarsi ld ballaarsasho.
ballaarso 1. Dhul iwm cabbirkooda kordhisasho. 2. Wax ballaciisa weyneysasho.
ballaas Nooc ka mid ah noocyada ashuumada waaweyn.
ballac Wax jir leh saddexdiisa cabbir (dherer, ballac, qoddo) midkood. ld ballaar.
ballad Hees hawleed la qaado marka xargaha iyo shabaagta la samaynayo.
ballami Cid, ballan u dhigid.
ballamid eeg ballan². ld ballan¹.
ballamin eeg ballami.
ballan (1) 1. Arrin laba qof ama ka badan meel marinteeda ku heshiyaan in ay meel mariyaan. 2. Nooc bariidka waaweyn ka mid ah, oo macaan. 3. Neef indhaha beelay.
ballan (2) Arrin laba qof ama ka badan meel marinteeda ku heshiin.
ballanbaaji Cid, ballan ay dhigtay ka maqnaan.
ballanbaajin eeg ballanbaaji. ld ballanbaajis.
ballanbaajis ld baallanbaajin.
ballandaran Wax aan ballan lahayn ahaansho (qof).
ballandarnaan eeg ballandaran. ld ballandarnaansho, ballandarri, ballandarro.
ballandarnaansho ld ballandarnaan.
ballandarri ld ballandarnaan.
ballandarro ld ballandarnaan.
ballandhigad ld ballandhigasho.
ballandhigasho eeg ballandhigo. ld ballandhigad.
ballandhigo Qof ballan la dhigasho, la yeelasho.
ballanfur (1) Ka bixidda ballan horey loo dhigtay. ld ballanfurid.
ballanfur (2) Ballan horey loo dhigtay ka bixid.
ballanfurid eeg ballanfur². ld ballanfur¹, ballabfuryo.
ballanfuryo ld ballanfurid.
ballangal (1) ld ballanqaad¹.
ballangal (2) ld ballanqaad².
ballangelid ld ballanqaadid.
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>