Ereyga Maanta: heeti
caydnaansho ld ceednaan.
cayil (1) Hilib iyo baruur badan oo ay nafley yeelato.
cayil (2) Hilib iyo baruur badan yeelasho.
cayilan Wax cayilay ahaansho. ld cayillan.
cayili Nafley wax cayilan ka dhigid.
cayilid eeg cayil².
cayilin eeg cayili.
cayillan ld cayilan.
cayillanaan ld cayilnaan.
cayillanaansho ld cayilnaan.
cayilnaan eeg cayilan. ld cayillanaan, cayillanaansho, cayilnaansho.
cayilnaansho ld cayillanaan.
cayin 1. Wax tiradooda ama noocooda si cad u sheegid. 2. U c.: qof, meel u magacaabid.
cayinid eeg cayin.
caymad ld caymasho.
caymasho eeg caymo². ld caymad.
caymi 1. Wax dhibaato ama halis ka nabadgelin. 2. Aawr la rarayo, cayn ku giijin. 3. Hanti caymis ka diiwaangelin.
caymin eeg caymi. ld caymis (2).
caymis 1. Shirkad lacag ka qaadda ciddii ay heshiis la gasha oo u magdhawda markuu shil ku yimaado. 2. ld caymin.
caymo (1) 1. In ka samatabaxday hanti burbur ku dhacay. 2. Kaalmo aan badnayn oo la siiyo cid hantidii ay lahayd dhaaftay. ld caynaano.
caymo (2) 1. Wax halis ka samatabixid. 2. Xoolo lumay ama la dhacay in yar ka badbaadid.
cayn (1) 1. Xarig isaga gudbo labada dhinac, oo rarka ku adkeeya gaadiidka nafleyda ah. 2. Magac carbeed xarafka 'c'.
cayn (2) 1. Nooc; jaad. 2. Si, hab, qaab. 3. Keyn, dhul jiq ah oo dhir badan. ld caynad.
cayn (3) (nax.) Dir naxweed ku shaqa leh in ay kala saarto labka iyo dheddigga ee magacyada, magacuyaallada iyo qaabka falalka (tus.: inantu way seexatay). Ereyada weertan cayn dheddigeed ayey wada muujiyeen: magaca, magacuyaalka iyo falkuba.
caynaan Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.
caynaani Cid caymo siin.
caynaanin eeg caynaani.
caynaano ld caymo¹.
caynaanshe Caymiye.
caynab C. ah: midab madow oo farduhu yeeshaan.
<< < 236 237 238 239 240 241 242 243 244 245 246 > >>