Ereyga Maanta: kelmi
irbadayn eeg irbadee. ld cirbadayn, cirbadays, irbadays.
irbadays ld irbadayn.
irbadee Nafley daawo ku mudid. ld cirbadee.
irbadeysan Wax dawo lagu duray ahaaansho (nafley). ld cirbadeysan.
irbadeysnaan eeg irbadeysan. ld cirbadeysnaan, cirbadeysnaansho, irba-deysnaansho.
irbadeysnaansho ld cirbadeysnaan.
irbe Ul yar, dheer, oo madax ballaaran leh, oo soorta marka la karinayo lagu walaaqo; malaankhad.
irbee Soor, irbe ku walaaqid.
irbeyn eeg irbee.
irdhayn eeg irdhee.
irdhaysan Wax dhalliilo hayso ahaansho.
irdhaysnaan eeg irdhaysan. ld irdhaysnaansho.
irdhaysnaansho ld irdhaysnaan.
irdhee Wax dhiilla gelin.
irdho Digtoonaan cabsi ku jirto.
irdhoobid eeg irdhow.
irdhow (1) Cararidda cabsi darteed lala cararo. ld irdhoobid.
irdhow (2) Cabsi darteed la cararid.
irfi Bir dheer, dhulka jeexda oo harqoodka ku taal.
iritorosaytis (c.nafl.) Nooca ugu badan tiro ahaan unugyada dhiigga, kuwaas oo ka kooban midab cas oo loo yaqaan himogolobiin, isla markaana wuxuu masu'uul ka yahay qaadista ogsajiinta.
irkasho eeg irko.
irkig (1) Dhakafaar iyo dhabanna hayn. ld argag², erkeg¹.
irkig (2) Aad u yaabid. ld erkeg², argag².
irkigid eeg irkig². ld argagid, erkegid.
irkigsan Wax irkig hayo ahaansho. ld argagsan, erkegsan.
irkigsanaan eeg irkigsan. ld argag-sanaan, argagsanaansho, erkegsanaan, erkegsan.
irkigsanaansho ld irkigsanaan.
irko U i.: wax mar dambe u aayid.
irmaan (1) Xoola dheddig oo aan gurneyn oo caano leh.
irmaan (2) Shaxda meesha mar walba inta laga dhaco qofka kale shaxdiisa lagu jabsho.
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>