Ereyga Maanta: bangaree
maliil (2) Maliil noqosho. ld mariil².
maliili 1. Jirro cid maliil ka dhigid. 2. Cid bugta baanin. ld mariili.
maliilid eeg maliil². ld maliil¹, mariil¹, mariilid.
maliilin eeg maliili. ld mariilin.
maliiq 1. Caw, dun iwm maleegid. 2. Dhoobo dufan iwm isku dhoobid (qof).
maliiqan 1. Caw dun iwm wax la maleegay ahaansho. 2. Wax aan la tarraxin ahaansho. 3. Ku m.: wax dhoobo dufan iwm ku dhoobantahay ahaansho (qof).
maliiqid eeg maliiq.
maliiqnaan eeg maliiqan. ld maliiqnaansho.
maliiqnaansho ld maliiqan.
maliiqo ld maleeqo.
maliishan Wax jirro ku raagtay oo tabar dhigay ahaansho. ld mariishan.
maliishanaan eeg maliishan. ld maliishanaansho, mariishanaan, mariishanaansho.
maliishanaansho ld maliishanaan.
maljiid (1) ld marjiid¹; marjiidid.
maljiid (2) ld marjiid².
maljiidan ld marijiidan.
maljiidid ld marjiidid.
maljiidnaan ld marjiidnaan.
maljiidnaansho ld marjiidnaan.
malkad (1) Kal yar oo wax lagu tumo.
malkad (2) (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada oo la afuufo badanaana loo isticmaalo xafladda istunka. 2. Calaamad caan ah oo wax leeyihiin.
malkhabad Garbasaar qafiif ah, qurxoon oo dumarku qaatan. ld malkhamad, malqabad.
malkhamad ld malkhabad.
malko 1. Biyo fariisin weyn. 2. Webiga halka ay xooluhu ka cabbaan.
mallaay Kalluun. ld mallay.
mallay ld mallaay.
malleel Aad u macaan.
malliiqo Caw dermaha lagu sameeyo. ld maleeqo, manniiqo.
malloolli Nafley lab ah oo xubinta taranka aysan shaqeynayn ama wax rimin karin.
malluug Wax meel fog laga arko oo aan qaabkooda la sixi karin.
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 > >>