Ereyga Maanta: karkoor
tiin (2) ld tiinna².
tiingaa Garannuug dheddig oo qaan-gaar ah.
tiingaarasho eeg tiingaaro.
tiingaaro Cunto ama sharaab aad uga dhergid.
tiiniya (c.nafl.) Nooc gooryaanka ka mid ah oo qaarkood ay ku dul noolyihiin xiidmaha dadka.
tiinna (1) (kuwiinna, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin.
tiinna (2) Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Waa la ogaaday sirtiinna”. ld tiin².
tiiqtiiqsasho eeg tiiqtiiqso. ld tiiq-tiiqsi.
tiiqtiiqsi ld tiiqtiiqsasho.
tiiqtiiqso 1. Cid ku digasho. 2. Arrin si qeexan uga hadlid.
tiir (1) 1. (-rar,m.l) Qori sida usha u toosan oo xoog badan oo badanaa dheer oo inta dhulka lagu mudo wax celiya ama xoog tara; udub. 2. Dhis kasta oo qaabka iyo waxtarka tiirka leh. 3. T.ka kalabbarka mara oo caaradda iyo salka isu haya (caleen, waran iwm). 4. Kan u dhexeeya sanka labadiisa dul.
tiir (2) Neef ku soo biiray xayn xoola ah la collobid, hinaaso awgeed.
tiiraanyayn eeg tiiraanyee.
tiiraanyaysan Qof murugsan ahaansho.
tiiraanyaysnaan eeg tiiraanyaysan. ld tiiraanyaysnaansho.
tiiraanyaysnaansho ld tiiraanyays-naan.
tiiraanyee Cid tiiraanyo ku abuurid.
tiiraanyo Arrin lala murugoodo, caloolxumo, uurkutaallo.
tiiraanyoo Tiiraanyo dareemid.
tiiraanyood eeg tiiraanyoo.
tiire Geed iskiisa isaga baxa oo xididdadiisa u ah dawo nooc ka mid ah dhiigyarida carruurta.
tiirfoorara (jool.) Kolon walax macdaneed ah oo ka soo lulata bar kore, muuqaal ahaan waxay u egtahay ul-baraf, Tusaalaha ugu caansani waa didibka oo inta badan laga helo isagoo ka soo lusha dedka god dhagax nuuradeed.
tiiri 1. Wax meel ku santeecin. 2. Wax xoojin.
tiirid eeg tiir².
tiirin eeg tiiri. ld tiiris.
tiiris ld tiirin.
tiirisboor Gaadiid.
tiiro 1. (xis.) Xagasha ay xarriiqi la sammeyso dhidibka-x. 2. (xis.) Tiirada xarriiq marta baraha (x,y) iyo x2,y2) waa tiirada (y2-y1)/(x2-x1). 3. (xis.) Tiirada xood halkabar B waa tiirada xarriiqda taabtaha ah ee xoodka halka barta B.
tiiro-qaaradeed (juqr.) Janjeerka u dhexeeya raso qaaradeedka iyo salka hoose ee badweynta.
tiirri 1. Xoog aad u badan. 2. Dad aad u xoog badnaa oo Soomaaliya ku noolaa waa hore. 3. Waran tiir xooggan leh iyo samayo gaaban.
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 > >>