Ereyga Maanta: olmon
dhalaandhilo Laba ciddiyood oo qoobabka ariga, lo'da iwm korkooda ku yaal oo yaryar.
dhalaandhuux (bot.) Geed gaab ciinka u eg, aan caleen lahayn, laamo xubno leh yeesha iyo canano indhaha lagu daweeyo. ld dhallaandhuux.
dhalaashan Wax la dhalaalshay ahaansho.
dhalaashanaan eeg dhalaashan. ld dhalaashanaansho.
dhalaashanaansho ld dhalaashanaan.
dhalad 1. D. ah: qof fir wanaangsan ka soo jeeda. 2. ld dhalasho.
dhalal (1) ld dhalaal¹.
dhalal (2) ld dhalaal².
dhalali ld dhalaali.
dhalalid ld dhalaalid.
dhalalin ld dhalaalin.
dhalaliso ld dhalaaliso.
dhalalo ld dhalaalo.
dhalalyo ld dhalaalo.
dhalan 1. Dabeecad. 2. Dir, fir, sinji. 3. Muuqal. 4. Caws waaweyn oo aad u dheeraada. 5. Geedo doog leh.
dhalan-geddis-hiddoside (baay.) Isbeddel degdeg ah oo lama filaan ah oo ka dhexdhaca walax hiddo side ah oo unug. Kaas oo ku keeni kara iyada iyo unugyada kale ee laga soo dhiraan dhiriyeyba inay kaga beddelmaan muuqaalka iyo asawgaba nooca caadiga ah.
dhalandhool (1) Socodka la socdo waqtiga qorraxdu kulushahay; baqool. ld dhalandhoolid.
dhalandhool (2) Qorrax kulul ku socosho; baqoolid.
dhalandhooli Cid qorrax kulul ku socodsiin.
dhalandhoolid eeg dhalandhool². ld dhalandhool¹.
dhalandhoolin eeg dhalandhooli. ld dhalandhoolis.
dhalandhoolis ld dhalandhoolin.
dhalandoori Wax dhalankooda beddedid.
dhalandoorin eeg dhalandoori. ld dhalandooris.
dhalandooris ld dhalandoorin.
dhalandoorsan Wax la dhalandooriyay ahaansho.
dhalandoorsanaan eeg dhalandoorsan. ld dhalandoorsanaansho.
dhalandoorsanaansho ld dhalandoorsanaan.
dhalanrog (1) 1. Isbeddel wax dabeecaddiisa, firkiisa, muuqaalkiisa iwm ku dhaca. 2. ld dhalanrogid.
dhalanrog (2) Wax dabeecaddiisa, firkiisa, muqaalkiisa beddelid.
<< < 366 367 368 369 370 371 372 373 374 375 376 > >>