Ereyga Maanta: xaydaan
dhaqmaad (2) Dhaddig dad ama xoolo oo aan weli dhalmaddeyn. ld dhaqmaati.
dhaqmaati ld dhaqmaad².
dhaqmid eeg dhaqan².
dhaqmo Hab wax loo dhaqo.
dhaqnaan eeg dhaqan³. ld dhaqnaansho.
dhaqnaansho ld dhaqnaan.
dhaqo 1. Wax si fiican u maamulasho. 2. Wax mayrasho.
dhaqsad 1. ld dhakhsiinyo, dhakhso¹, dhaqsiinyo, dhaqso 1. Degdeg; welwel. 2. ld dhaqsasho. ld dhakhsad.
dhaqsasho eeg dhaqso. ld dhakhsad, dhakhsasho, dhakhsi, dhaqsad (2), dhaqsi.
dhaqsi ld dhaqsasho.
dhaqsiinyo ld dhaqsad (1).
dhaqso (1) 1. (fk) Si degdeg ah; durba; si boobsiis iyo welwel leh. 2. ld dhaqsad.
dhaqso (2) Hawl qabashadeeda deddejin. ld dhakhso².
dhaqsooli Farax la boodboodid.
dhaqsoolin eeg dhaqsooli. ld dhaqsoolis.
dhaqsoolis ld dhaqsoolin.
dhaqtamid ld dhaqtan¹ (2), dhugtamid.
dhaqtan (1) 1. Tartanka meel la dhaqaysanayo lagu tartamo. 2. ld dhaqtamid. ld dhugtan¹.
dhaqtan (2) Dhaqaysi ku tartamid. ld dhugtan².
dhar (1) 1. Nooc huga ka mid ah, cudbi, dhogor, xariir iwm ka samaysan oo dad ku xirto ama huwado. 2. Lebbis.
dhar (2) 1. Caleen, ubax iwm nafaqo ama biyo la'aan awgeed la duubmid. 2. Wax haryuub leh ahaansho. ld dhad (1).
dharaambi (1) ld dhadaambiyid.
dharaambi (2) ld dhadaambi.
dharaanbiyid ld dhadaanbiyid.
dharaar 1. Maliin. 2. Qado. 3. Meel aqalka ka mid ah, si gaar ah loo goglay, oo ilmaha dhashay la seexiyo.
dharaarad 1. Qado. 2. ld dharaarasho.
dharaarasho eeg dharaaro. ld dharaarad (2).
dharaari Cid qado siin.
dharaarin (1) Duleed.
dharaarin (2) eeg dharaari.
<< < 380 381 382 383 384 385 386 387 388 389 390 > >>