Ereyga Maanta: maneysi
dhase Nooc dixiriga ka mid ah, ka dhasha meelaha ay wasakhda ku ururto oo xoolaha iyo dadkaba jirkooda gala.
dhasheeg (1) Biyakuhar; balli; laas.
dhasheeg (2) (juqr.) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.
dhashiimid ld dhaniimid.
dhashiin (1) ld dhaniin¹.
dhashiin (2) ld dhaniin².
dhashiinto ld dhaniinto.
dhasho Sabiisha inteeda muuqata.
dhashuumid eeg dhashuun². ld dhashuun¹ (2).
dhashuun (1) 1. Dhacaan adag oo meel bugta ka yimaada; malax, milil. 2. ld dhashuumid.
dhashuun (2) Meel bugta dhacaan adag ka imaansho.
dhasid eeg dhas.
dhasiig (1) 1. Dhega-adayg. 2. ld dhasiigid ld dhansiig¹.
dhasiig (2) Wax ka dhega-adaygid. ld dhansiig².
dhasiigid eeg dhasiig². ld dhansiig¹, dhansiigid, dhasiig¹ (2).
dhasiiq Bakhayl.
dhataq Cod lagu muujiyo wax, wax aad cumur u ah, ku dhacaya.
dhaw (1) ld dhaaw¹.
dhaw (2) (dhebay, dhebtay; dhebi) 1. Wax nabar ku dhufasho. 2. Nin, naag u galmood. 3. ld dhaaw².
dhawaaji Ka dh.: wax dhawaaq ka keenid.
dhawaajin eeg dhawaaji.
dhawaan ld dhowaan (2).
dhawaandhalad ld dhowaandhalad.
dhawaansho ld dhowaan (1).
dhawaansooggal ld dhowaansooggal.
dhawaaq (1) 1. Cod dheer oo afka laga yiraahdo; qaylo; (muus.) dh. muusiqada. 2. ld dhawaaqid.
dhawaaq (2) (nax.) Habka ku dhawaaqidda xaraf ama erey.
dhawaaq (3) 1. Cod dheer afka ka dhihid. 2. Ku dh.: wax cusub sheegid.
dhawaaqid eeg dhawaaq³. ld dhawaaq¹ (2).
dhawaati (1) Raad ka samaysmay geel badan oo isdaba socda waqti dhado jirto.
<< < 385 386 387 388 389 390 391 392 393 394 395 > >>