Ereyga Maanta: raysmaggaarto
dheg (1) 1. Xubinta maqalka nafleyda. 2. Hilqadaha haweenku isku qurxiyaan ee dhegaha dacalkooda surtaan middood. 3. Weel, qalab iwm meesha la qabto si loo qaado ama loo jiido. 4. Magac wanaagsan; caannimo; sharaf. 5. Shebeg lakabyo isa saaran ah, xanjo ka samaysan oo ay shinnidu malabka ku keydsato, ilmahana gashato.
dheg (2) 1. Subag iwm xarkagid. 2. Cid iwm nabmid. 3. Ku dh.: wax gacanta xoog ugu qabasho.
dheg-kafaar (1) ld dhakafaarid.
dheg-kafaar (2) ld dhakafaar².
dheg-kafaari ld dhakafaari.
dheg-kafaarid ld dhakafaarid.
dheg-kafaarin ld dhakafaarin.
dheg-kafaarsan ld dhakafaarsan.
dheg-kafaarsanaan ld dhakafaarsanaan.
dheg-kafaarsanaansho ld dhakafaarsanaan.
dhega-adag Qof aan amarka si sahlan u qaadan ahaansho.
dhega-adayg (1) Dabci qof leeyahay oo u diida in si sahlan ku fulin waxa loo diray. ld dhega-adkaan.
dhega-adayg (2) Ku dh.: cid wax loo diray fulin waayid.
dhega-adaygid eeg dhega-adayg².
dhega-adkaan eeg dhega-adag. ld dhega-adayg¹, dhega-adkaansho.
dhega-adkaansho eeg dhega-adkow. ld dhega-adkaan.
dhega-adkow Wax dhega-adag noqosho.
dhegaati 1. Xarig yar oo dhigaha lagu xiro. 2. Siddo xarig ah oo waxyaabaha qaar loo yeelo. ld dhagaati.
dhegabbeel (1) Waayidda nafley weydo awoodda maqalka. ld dhegabbeelid.
dhegabbeel (2) Awoodda maqalka waayid (nafley).
dhegaculays ld dhegacuslaan.
dhegaculus Qof aan si fiican dhegaha wax uga maqlin ahaansho.
dhegacuslaan eeg dhegaculus. ld dhegaculays, dhegacuslaansho.
dhegacuslaansho eeg dhegacuslow. ld dhegacuslaan.
dhegacuslow Qof aan dhegaha si fiican wax uga maqlin noqosho.
dhegadhabad ld dhegadhabasho.
dhegadhabasho eeg dhegadhabo. ld dhegadhabad.
dhegadhabo Dhegaha daaman ku garaacid iyaga oo madaxa ruxaya (xoolo, ugaar, dugaag iwm).
dhegadhego Qalab ka samaysan dahab, qalin, macdan iwm oo ay dumarku dhegaha gashadaan; hilqado.
dhegafarasoobid eeg dhegafarasow². ld dhegafarasow¹ (3).
<< < 396 397 398 399 400 401 402 403 404 405 406 > >>

