dhimid eeg dhin. ld dhimis, dhimitaan, dhinniin.
dhimin ld damqid.
dhimir Maan; garaad; caqli. ld dhimiro.
dhimir-daaweyn (daaw.) Hab daaweyn lagu daweeyo isbeddellada dhimirka ku dhaca iyo cuqdada.
dhimiro ld dhimir.
dhimis ld dhimid.
dhimitaan Yareynta wax intay ahaayeen in yar laga qaado. ld dhimid.
dhimman Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin ahaansho.
dhimmanaan eeg dhimman. ld dhimmanaansho, dhinnaan, dhinnaan- sho.
dhimmanaansho (1) eeg dhimmanow. ld dhimmanaan.
dhimmanaasho (2) (daaw.) Xaalad uu koritaanka maskaxdu horay u joogsatay ama ay maskaxdu si aan dhammayn u kortay.
dhimmanow Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin noqosho. ld dhinnow.
dhimo Naf waayid (noole).
dhimri 1. U dh.: cid u turid. 2. U dh.: cid u naxariisasho.
dhimrin eeg dhimri. ld dhimris.
dhimris ld dhimrin.
dhin Wax intay ahaayeen in yar ka goyn.
dhinac 1. Doc; gees. 2. Hilib feero ah. 3. La dh. ah: cid, cid kale taageersan.
dhinacayn eeg dhinacee.
dhinacdhaw Hal ilmo aanay dhalin, kuna sidkanayn lagu maalo.
dhinacee Dhinac marid ama xigid.
dhinacfariisasho eeg dhinacfariiso.
dhinacfariiso Qofka agtiisa fariisasho.
dhinacjoog Qofka agtiisa joogid.
dhinacjoogid eeg dhinacjoog.
dhinacsoco Qof agtiisa socosho.
dhinacsocosho eeg dhinacsoco.
dhinacyayn eeg dhinacyee.
dhinacyee 1. Wax socda hal dhan ka marid. 2. Ra'yigiisa bedbeddelid (qof).
Dhinacyo Labo dhinac iyo wixii ka badan.
<< < 417 418 419 420 421 422 423 424 425 426 427 > >>
