Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: cawirow
duufid (1) eeg duuf². ld duuuf¹ (3).
duuflaal (1) 1. Nin aan wax tashiilan. 2. Nin aan shaqayste ahayn.
duuflaal (2) Sabool noqosho (cid).
duuflaalad 1. Naag aan wax tashiilan. 2. Naag aan shaqaysato ahayn.
duuflaalid eeg duuflaal².
duuflaalnimo Duuflaal ahaansho.
duufsad ld duufsasho.
duufsad (1) ld diifsasho.
duufsamid eeg duufsan¹.
duufsan (1) Wax la duufsaday noqosho.
duufsan (2) Wax la duufsaday ahaansho.
duufsanaan eeg duufsan². ld duufsanaansho.
duufsanaansho ld duufsanaan.
duufsasho eeg duufso. ld duufsad, duufsi.
duufsasho (1) ld diifsasho.
duufsi ld duufsasho.
duufsi (1) ld diifsasho.
duufso Cid fal xun in ay samayso u hor kicid.
duufso (1) ld diifso.
duug (1) Wax muddo badan lagu dhaq- mayey.
duug (2) (taar.) (qadiim) Waxay tilmaamaysa waayadii hore, xilliyadii Masaaridii hore, Giriiga, iyo Roomaanka.
duug (3) 1. Xoolaha la qalo marka qof dhinto; axan; qoriqaad. 2. ld duugid.
duug (4) 1. Wax xabaalid. 2. Qof muruqyadu xanuunayaan u daliigid. 3. Harag iwm jilcin. 4. Geellisid.
duugan (1) Wax la xabaalay noqosho.
duugan (2) Wax la xabaalay ahaansho.
duugid eeg duug³. ld duug² (2), duugis.
duugis ld duugid.
duugkufaar Hanti weyn oo ka kooban badanaa dahab iwm oo ummado hore looga haray.
duugmid eeg duugan¹.
duugmo 1. Daliigidda qof muruqyadu xanuunayaan la daliigo. 2. Jilcinta harag la jilciyo, iyada oo la daliigayo.
<< < 487 488 489 490 491 492 493 494 495 496 497 > >>