bilqaxnaansho ld bilqaxnaan.
bilqid eeg biliq.
bilyaardi 1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.
bilyan Tiro ka kooban kun meelood oo min milyan ah; kun milyan; “1.000.000.000”.
bini ld beni.
binii-aadan ld banii-aadan.
binii-aadannimo ld banii-aadannimo.
binii-aadmi ld banii-aadan.
biniini Indhaha kala qaadid si wax loogu dhaygago.
biniinin eeg biniini. ld biniinis.
biniinis ld biniinin.
binnuur Koob yar oo qaxwada lagu cabbo. ld binnuuri.
binnuuri ld binnuur.
biqid eeg baq². ld baq¹ (2), baqid, biqitin.
biqil (1) 1. Abuur markaa soo baxay. 2. ld biqlid.
biqil (2) Abuur iwm soo bixid.
biqitin ld biqid.
biqlayn eeg biqlee. ld biqlays, biqle (1).
biqlays ld biqlayn.
biqle 1. ld biqlayn. Haraati iyadoo labada addin ee dambe oo wada jiraan dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. ld biqlo. Sarreen magooliyay.
biqlee Biqle samayn (dameer, faras, iwm).
biqlid eeg biqil². ld biqil¹ (2).
biqlo ld biqle (2).
bir (1) 1. Macdanta dhulka laga qodo nooc ka mid ah, adag oo waxyaabo laga sameeyo oo danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya. 2. B. isha: barta yar madow, oo wax lagu arko. 3. ld bir-ajuuraan.
bir (2) (kiim.) Curiye kasta oo kiimikaad oo ah adke widhwidha, danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya.
bir (3) Wax sida iftiin bilig dhihid.
bir-ajuuraan 1. Bir budo laga dhigay oo lagu daaweeyo caruurta caddaadka qabta. 2. ld birxaar. 3. bir 1 (3).
bir-u-eke (kiim.) Curiye kasta leh astaamo u dhexeeya kuwa biraha iyo kuwa birma-ahayaasha. Sida runta ahna, ma jirto kala soocid cad oo lagu kala qaybiyo biraha iyo birma-ahayaasha. Marka kalka tusaha kalgalka bidix ilaa midig loo socdaba waxa laga tegayaa astaamaha biraha lana tegayaa astaamaha birma-ahayaasha.
biraha-alkaali (kiim.) Curiyayaasha ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay dhammaantood ku leeyihiin hal elektaroon heertamarkooda ugu sarreeya. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay I. Ogsaydhadoodu waxay ku milmaan biyaha si ay u sameeyaan alkaaliyo. Biraha alkali waa litiyam (li), soodiyam (Na), botaasiyam (K), rubiidiyam (Rb), susiyam (Cs) iyo faransiyam (Fr).
birayn eeg biree.
<< < 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 > >>