Ereyga Maanta: dabaylwac
hoohey ld haadey.
hooji Cid hoog ku ridid.
hoojin eeg hooji.
hool 1. Wax xoqid. 2. Timo, dhogor iwm hoobin. 3. Wax dub ka qaadid.
hoolan (1) 1. Wax la xoqay noqosho. 2. Timo ama dhogor wax la xiiray noqosho. 3. Wax dubka laga qaaday noqosho.
hoolan (2) 1. Wax la xoqay ahaansho. 2. Timo ama dhogor la xiiray ahaansho. 3. Wax dubka laga qaaday ahaansho.
hoolato Cudur madaxa ku dhaca oo timaha ka hoobiya.
hoolhool (1) Gaashiyo banbannaan oo timihii ama dhogortii ka rifmeen oo ku yaal maqaar.
hoolhool (2) Harag ama saan gaashiye banbannaan u yeelid iyadoo timaha ama dhogorta laga rifayo.
hoolhoolid eeg hoolhool².
hoolid eeg hool. ld hoolis.
hoolif Timo badan oo shuruf leh.
hoolis ld hoolid.
hoolmid eeg hoolan¹.
hoolnaan eeg hoolan². ld hoolnaan-sho.
hoolnaansho ld hoolnaan.
hoomaa Meel sare hoos wax uga eegid.
hoomaayid eeg hoomaa.
hoombaro Naasley badda ku nool, leh af dheer oo u eg kan shimbiraha, kor ka madow hoosna ka cad, la aaminsanyahay inuu leeyahay garaad fiican oo la tababbari karo. ld hobbabboro.
hoomiyostaasis (daaw.) Sugidda xaaladaha joogtada ah ee gudaha noolaha, taas oo u oggolaanaysa unugyada inay si wanaagsan u shaqeeyaan, iyaga oo anay saamaynin isbeddel kasta oo ka dhaca degaanka dibadda ee noolaha.
hoomo 1. Xoolo intooda tabarta daran ee aan sabadka dhaafin. 2. Dad cayr ah oo aan tabar lahayn.
hoon Aalad ku rakiban gaadiidka (baabuurta, tareenka, iwm) oo la dhawaajiyo markii wax loo digayo.
hoonbaro ld hobbob-boro.
hoor Nooc geela ka mid ah, caano badan, adkaysi yar, dhogor yar, bar gaaban.
hoor (1) 1. Dhibco biyo ah oo meel ka soo dhacaya. 2. Illin.
hoor (2) (kiim.) Wejiga maatarka ee saxarrada walaxdu ay ka koobantahay isugu dabranyihiin si debecsan.
hoor (3) 1. Roob di'id. 2. Dhibco biyo ah meel ka soo dhicid.
hoori 1. (f.g) Hoore shubmaya weel u dhigid. 2. (f.g) Hees iwm cid la jiibin. 3. (f.g) Wax fiirin. 4. (f.mg) Ka h.: hoore weel ku jira ka wada shubid.
hoorid eeg hoor². ld hoorrimaad.
hoorin eeg hoori. ld hooris.
<< < 746 747 748 749 750 751 752 753 754 755 756 > >>