Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: shaashsaar
ijaar (1) 1. Lacag laga helo guri baabuur iwm oo kireysan, kiro. 2. I. ah: guri, baabuur iwm oo dadka isticmaalaya lacag laga qaado. ld ajuuro, ijaaro¹.
ijaar (2) Guri, baabuur, iwm cidda isticmaalaysa lacag si joogto ah uga qaadid.
ijaaran Wax cidi ijaaratay ahaansho (baabur, guri iwm)
ijaarasho eeg ijaaro².
ijaarid eeg ijaar².
ijaarnaan eeg ijaaran. ld ijaarnaansho.
ijaarnaansho ld ijaarnaan.
ijaaro (1) ld ijaar¹.
ijaaro (2) Guri, baabuur iwm ijaar ka qaadasho ka baxsasho.
ijaaso 1. Idan, fasax. 2. Aqoonsi diimeed ee uu sheekha dariiqadu siiyo xertiisa qaarkeed.
ijbaar Qof wax ku qasbid.
ijbaarid eeg ijbaar.
ijmaac 1. Kulan fikradeed oo shuyuukh-da waaweyn ee madaahibta Islaanka isku raaceen. 2. Midka saddexaad ee afarta addilo oo diinta Islaanka loo cuskado.
ijtihaad (1) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin oo ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay lagu meel-mariyo. 2. Dadaal badan.
ijtihaad (2) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay ku meel-marin. 2. Ku i.: dadaal badan muujin.
ijtihaadid eeg ijtihaad².
ijtimaaci Hanti bulshadeed.
ikaynoodeermaata (baay.) Faylam wanqaran gacaneed laf dhabarla' ah oo had iyo jeer leh shan fallaadhood oo unugyo badanley ah, kuna nolol degaan badeed. Tusaale ah: kalluun xiddigeed. Faylamkani ma laha madax iyo habdhis dareenwade.
ikhtilaaf (1) Isweydaar; ismaandhaaf; heshiis la'aan. ld iskhilaaf¹.
ikhtilaaf (2) Isweydaarasho; isku diidid (arrin). ld iskhilaaf².
ikhtilaafid eeg ikhtilaaf². ld iskhilaafid.
ikhtiraac (1) Hindisaad.
ikhtiraac (2) Wax hindisid.
ikhtiraacid eeg ikhtiraac².
ikhtiyaar Madax-bannaani iyo awood loo lahaado wax la doonayo in la sameeyo. ld istikhyaar, khiyaar.
ikhwaan Walaalnimo diineed.
ikhyaar (1) Qof kulansaday garaad wacan iyo anshax wanaagsan. ld aqyaar¹.
ikhyaar (2) Bulsho dadka madaxda u ah ee taladeeda gooysa. ld aqyaar².
ikhyaarayn eeg ikhyaaree. ld aqyaarayn.
ikhyaaree Arrin, xaajo iwm ka odayeyn ld aqyaaree.
<< < 774 775 776 777 778 779 780 781 782 783 784 > >>