Ereyga Maanta: nacaal
inkaarnaansho ld inkaarnaan.
inkaarqabe Qof inkaari ku dhacday.
inkasta Xataa; walow.
inkiis Bayd faal, oo manjaha ka ah hal, saddexda hogood oo kalena min labo.
inkir (1) 1. Dafiraad. 2. ld inkirid.
inkir (2) Wax laysku ogaa, laysku lahaa, ama laysku soo eedeeyey, diidid.
inkiraad ld inkirid.
inkirid eeg inkir². ld inkir¹ (2), inkiraad, inkirmo.
inkirmo ld inkirid.
inkirsan Wax laysku ogaa, laysku lahaa, ama laysku soo eedeeyey, wax diiddan ahaansho (cid).
inkirsanaan eeg inkirsan. ld inkirsanaansho.
inkirsanaansho ld inkirsanaan.
inna (1) waxba. ld in¹ (5).
inna (2) ld innaga.
inna (3) ld ina.
innaga Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee wadarta ah oo ku jira kuwa lala hadlayo ama wax loo qorayo. ld inna².
innana Magacuyaalka qofka kowaad oo wadar ah ee ka kooban inna 2 iyo na².
inqaas ld anqaas.
inqilaab (1) Hab aan sharci ahayn oo dawlad dhisan lagu beddelo; afgembi.
inqilaab (2) Dawlad dhisan si aan sharci ahayn ku beddelid; afgembin.
inqilaabid eeg inqilaab².
insaan I. ah: qof raxmad badan, oo hab wanaagsan dadka kula dhaqma.
insaaniyad Dabci wanaagsan oo qof leeyahay; dadnimo; raxmad. ld insaaniyo.
insaaniyo ld insaaniyad.
insaarax (1) U soo hiloobidda lo'da ay u soo hiloowdo dhashoodii; araasi. ld ansaarax¹, araasi¹.
insaarax (2) Dhal u soo hiloobid (lo'). ld ansaarax².
insaarixi Hilow muujis (lo'). ld ansarixi.
insaarixid eeg insaarax². ld ansaa-rixid.
insaarixin eeg insaarixi. ld ansaa-rixin.
insaykolobiidiya Buug culuunta guud ama maadda gaar ahi ay ku qorantahay oo sida ay xarfaha isu xigaan loo habeeyey.
<< < 789 790 791 792 793 794 795 796 797 798 799 > >>