Ereyga Maanta: gedmo
isdoqondiidsiin eeg isdoqondiidsii. ld isdoqondiidsiis.
isdoqondiidsiis ld isdoqondiidsiin.
isfanji (c.nafl.) Nafley yar oo badda ku nool oo leh oogo jilicsan oo daldaloosha.
isfantacoori Wax caraysan iska dhigid (qof).
isfantacoorin eeg isfantacoori.
isfantatiir (1) Isugeynta awoodda qof awooddiisa geeyo wax wax kaqa-bashadiisu adagtahay.
isfantatiir (2) Wax, wax ka qabashadoodu adag tahay awood isugu geyn.
isfantatiirid eeg isfantatiir².
isfaxlid Gudbinta faxalka ee laga soo qaado faxal sidaha geed loona gudbiyo fur ubo-ubaxda isla geedkaas.
isfeel Ciyaar lagu tartamo oo la tunto habeennada bisha Ramadaan, waxaana ku tartami jiray xaafadihii hore ee magaalada Xamar.
isfidhikhi Kibir iyo islaweyni muujin.
isfidhikhin eeg isfidhikhi. ld isfi-dhikhis.
isfidhikhis ld isfidhikhin.
isfoohaari Xarrago islaweyni ku jirto muujin.
isfoohaarin eeg isfoohaari. ld isfoohaaris.
isfoohaaris ld isfoohaarin.
isgaarsii 1. War iwm isu gudbin. 2. Wax isdeeqsiin.
isgaarsiin (1) eeg isgaarsii.
isgaarsiin (2) (tegno.) Barashada iyo adeegsiga hababka gudbinta wararka, sida raadiyaha, telifoonka ama telifishanka iwm.
isgarabdhig (1) Isu-eegidda laba shey ama ka badan waxay ku kala duwanyihiin ama isaga mid yihiin.
isgarabdhig (2) Laba wax ama ka badan waxay ku kala geddisanyihiin ama isaga mid yihiin isu eegid.
isgarabdhigid eeg isgarabdhig².
isgarabtaag (1) Taageerada loo sameeyo cid, arrin ay wadato.
isgarabtaag (2) Cid arrin ay wadato taageerid.
isgarabtaagid eeg isgarabtaag².
isgiriirixi Qof, wax caraysan iska dhigid.
isgiriirixin eeg isgiriirixi. ld isgi-riirixis.
isgiriirixis ld isgiriirixin.
isgoo 1. (f.g) Qof jirkiisa meel ka mid ah wax af leh isaga jarid. 2. (f.mg) Qof cayilan isliska cajarradiisa uu isku liso awgeed la dhaawacmid.
isgoyn eeg isgoo.
<< < 796 797 798 799 800 801 802 803 804 805 806 > >>

