Ereyga Maanta: aftir
jermaado ld jarmaado.
jermaadsan ld jarmaadsan.
jermaadsanaan ld jarmaadsanaan.
jermaadsanaansho ld jarmaad-sanaan.
jexeer ld jaxeer.
jeydal ld jeedal¹.
jeysh Ciidanka qalabka sida ee dal leeyahay.
jibaad (1) Reen xoog leh oo ka soo baxa dadka ama duunyada jirran.
jibaad (2) Xoog u reemid; aad u taahid.
jibaadgaabis Duco loola jeedo in qof naftu dhibayso adduun ama aakhiro mid uu u dhaco.
jibaadid eeg jibaad².
jibaal (1) 1. (-llo, m.dh) Cabbir dhul beereed 25 tallaabo oo labajibbaaran ah. 2. Ded dhismo dhagax ah korka laga saaro.
jibaal (2) Dhismo dhagax ah ded kor ka saarid.
jibaalee Dhul dhowr jibaal u qaybin.
jibaaleyn eeg jibaalee. ld jibaaleys.
jibaaleys ld jibaaleyn.
jibaalid eeg jibaal².
jibaax (1) 1. Qufac dadka iyo xoolaha ku dhaca. 2. ld jibaaxid. Maridda xoog lagu maro meel jiq ah ama lagu badanyahay.
jibaax (2) Meel dhir ama dad badan leh xoog ku dhex marid.
jibaaxid eeg jibaax². ld jibaax¹ (2).
jibaggaar (1) ld jibaggaarid.
jibaggaar (2) Ka j.: arrin ama hawl ka gun gaarid.
jibaggaarid eeg jibaggaar². ld jibaggaar¹.
jibakeen (1) ld jibakeenid.
jibakeen (2) Arrin ama hawl xaqiiqdeeda ka lib keenid.
jibakeenid eeg jibakeen². ld jibakeen¹.
jibbaar (1) Xarig dheer, dhuuban oo lagu sameeyo rarada, kebdaha iwm.
jibbaar (2) Tiro, tiro kale ku xooggan oo sheegeysa inta jeer ee tirada lagu xoogganyahay layskudhufanayo.
jibbaar (3) (xis.) Tiro lagu qoro dusha sare ee midig ee tiro ama doorsoome oo ku sinaysa inta jeer ee tiradaasi laysku dhufanaayo.
jibbaaran Xisaab wax la jibbaaray ahaansho.
<< < 835 836 837 838 839 840 841 842 843 844 845 > >>