Ereyga Maanta: mudniin
jibbaarnaan eeg jibbaaran. ld jib-baarnaansho.
jibbaarnaansho ld jibbaarnaan.
jibbaysan ld jid-baysan.
jibbaysnaan ld jidbaysnaan.
jibbaysnaansho ld jidbaysnaan.
jibbo ld jidbo.
jibboo ld jidboo.
jibbood ld jidbood.
jibin 1. Dhadhaabo waaweyn oo adag, cirka ka soo dhaca, kul xambaarsan oo marka ay dhulka ku dhacaan qarxa. 2. Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; shiilmadoobe. 3. Yeerta weyn ee ka yeerta.
jibindhabad ld jibindhabasho.
jibindhabasho eeg jibindhabo. ld jibindhabad.
jibindhabo Sida jibinta u dhawaaqid.
jibsin Farac yar oo qabiil ka soo jeeda; laf; jilib.
jicib ld yicib.
jiciir 1. Ceeb weyn; bayuur. 2. Midab ciiro casaan ku jiro leh.
jiciirasho eeg jiciiro.
jiciirayn eeg jiciiree.
jiciiree 1. Cid ceeb gaarsiin. 2. Wax midab ciiro ah u yeelid.
jiciiri Wax meel ka wadid; wax meel ka fogeyn.
jiciirin eeg jiciiri.
jiciiro Meel ka fogaansho.
jiciiroobid eeg jiciirow.
jiciirow Cid wax ceeb weyni gaartay noqosho.
jicsimasho eeg jicsimo. ld jiscimasho.
jicsimo Sahay qaadasho. ld jiscimo.
jicsin ld jiscin¹ (1).
jid 1. Meel la maro; waddo; dhabbe. 2. Sida quman ee gartu tahay. Tus. “Cali jid buu leeyahay”. 3. Sharci; qaanuun.
jid-dhiriqle 1. Xiddigaha cirir mid ka mid ah. 2. Roob da'a xilliga guga. 3. Godadka dayaxu dego midkood.
jid-ka-fogaanta (xis.) Summad d. Fogaanta u dhexeysa laba barood (x ,y ) iyo (x ,y ) ee ku yaalla kulannada kaartis waana sidan: d = (x2-x1) + (y2-y1).
jid-kiimikeed (kiim.) Hab loo dhigo iskudhiska kiimikaad iyada oo la adeegsado summado taagan atammada. Naanays-molikuyuulku waxay sheegtaa keliya noocyada iyo tirada atammada. Dhis-naanays molikuyuulku waxay muujisaa sida atammadu u habaysanyihiin. Dhis naanays molikuyuulku waxaa kale oo ay muujisaa sida atammada ama kooxuhu ugu aaddanyihiin dululaatiga.
<< < 836 837 838 839 840 841 842 843 844 845 846 > >>