badhax (baay.) Tafiirta ay waalidkood ugu yaraan hal astaan ku kala duwanyihiin.
badhaysi Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
badhe (juqr.) Goobo la mala-awaalay oo taalla bartamaha labada cirif dhexdooda, waxaana sameeyay goobahaas sallax la dhex mariyay bartamaha goobahaasi isla markaas waa bartamaha dhulka, waa goobo weyn, wareeggeeduna waa kan ugu dheer ee dhulka; dhulbar.
badhi (1) ld bari¹.
badhi (2) (bot.) Xubin (dhir) qaybta dhulka ka hoosaysa ah, taas oo u suurta gelisa inuu noolaado xilli abuur ilaa xilliga ku xiga. Badhidu waa xiddo isbeddel ku dhacay oo jirrid gaaban oo ballaadhan leh. Tus. “Basal”.
badhiwale Qof shaqo hoosaadka xafiiska qabta; adeege.
badho 1. Neef caano yar; baaqimo; gabno. 2. Dhex, kalabar, bartame.
badi (1) 1. Wax tirsama intooda badan. 2. (fk) Alaaba, sida qaliibka ah, inta badan, badanaa, guud ahaan.
badi (2) 1. (f.g) Wax in go'an ahaa, in kale oo la nooc ah ku darid. 2. (f.mg) Ka b.: cid tartan kaga adkaan. 3. Ka b.: wax, cid uga aqoon badnaan; ka rayn. 4. Ka b.: wax intii loo baahnaa in ka badan ku darid. Tus. “Shaahii sonkor buu ka badiyey”.
badid eeg bad². ld bidid.
badidhace (1) (xis.) Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.
badidhace (2) 1. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.
badiil Qalab loo adeegsado carro qaadidda oo ka kooban bir yar ballaaran, godan iyo daab la qabsado. ld badeel.
badin ld badiyid.
badis ld badiyid.
badiyid eeg badi². ld badin, badis.
badmaax Nin ka mid ah shaqaalaha maraakiibta ka shaqeeya.
badmar Qof safarro badeed oo badan ka qeybgalay. ld badmareen.
badmareen ld badmar.
badmarid Safarka biyaha dushooda ama hawada dhexdeeda.
badnaan 1. ld badnaansho, badni. eeg badan². 2. (fk) Ugu b.: ugu weyn, ugu sarraysa.
badnaansho eeg badnow. ld badnaan (1).
badni ld badnaan (1).
badnow Wax badan noqosho.
bado Wax tiradooda kordhid.
badow (badow /-wyo, m.dh) 1. Qof degaanka uu markaa joogo aqoon yar u leh. 2. Qof aan ilbax ahayn.
badownimo Badow ahaansho.
badraan Qof isla weyni iyo kibir badan.
badraannimo Batraan ahaansho.
badrad 1. Kibir iyo aabi badan. 2. Saxan dheer oo bir ka samaysan oo rootiga lagu safo marka la dubayo.
<< < 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 > >>