boronkiito (daaw.) Halamacoodka dhuumaha neefta waxayna u kala baxdaa mid muddo gaaban (acute) iyo mid muddo dheer (chronic). Midda hore waxa lagu yaqaan: qufac xaako leh, isku roorid dhuumaha neefta; midda labaad waxaa lagu yaqaan: xab badan oo dhuumaha neefta ka xaruuma.
borookaariyootig (baay.) Noole walxaha hiddo-sidaha aanay ku xidhnayn bu'da unugga.
boroolataariyad (siyaa.) Dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira wax qabadkooda.
borootiin (baay.) Dheef asaasi u ah caafimaadka, jirdhiska oo laga helo cunnada la quuto qaar ka mid ah..
borotiin-bu'eed (baay.) Iskudhis kasta oo laga helo unugyada noolaha kasta oo ka kooban asiidh bu'eedyo (DNA ama RNA) iyo borotiin isu tegay.
borotista (baay.) Boqortooyo koobaysa kala soocidda noolayaasha sahlan ee bayoolajiyeed. Waxa ka mid ah aljiga, fangiga, bakteeriyada iyo borotosoowaha.
borotobalaasam (baay.) Walax miromiro leh ee ka kooban muxtawiyaadka nool ee unugga. Taa waxa looga jeedaa walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo. Waxay ka koobantahay bu'dhex taalla saytobalaasam xab oo kale ah.
borotokool 1. Diiwaan. 2. Heshiis caalami ah oo ku saabsan habka loo maro xafladaha dibloomaasiga ah.
borotoon (kiim.) Saxar asaasi ah oo leh saldanab togan. B.nnadu waa iniin-bu\'eedyo laga helo dhammaan bu\'leyda.
botani Barashada cilmiyaysan ee dhirta oo ay ka mid yihiin anatamiga, morfoolojiga, bayookimistariga, abla-ablaynta, saytoolajiga, hiddo-barashada, ikoolojiga, tadawurka iyo filiqsanaantooda juqraafiyeed.
bow 1. Jug; b. sii: qof wax ku dhufasho. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo dhufashada.
bowbow B. dheh: codka durbaanka iwm. ay sameeyaan marka la tumo.
bowd Xeyndaab ood ah oo beerta, guriga, xerada xoolaha lagu wareejiyo, deyd.
bowd-dumis Xaal laga qaado nin naag meher xaday.
bowdabbaariile Meesha ay barida iyo bowdadu iska galaan.
bowdaqaawi U b.: qof cid uusan doonayn in uu la dagaallamo ereyo iyo falal cabsi geliya u jeedin.
bowdaqaawin eeg bowdaqaawi. ld bowdaqaawis.
bowdaqaawis ld bowdaqaawin.
bowdlameer Ood cusub oo la saaro bowd gaboobay.
bowdlameeri Bowd, bowdlameer u samayn.
bowdlameerin eeg bowdlameeri.
bowdlameersan Wax bowdlameeri la mariyey ahaansho.
bowdlameersanaan eeg bowdlameersan. ld bowdlameersa- naansho.
bowdlameersanaansho ld bowdlameersanaan.
bowdo Lugta inteeda u dhexeysa lowga iyo sinta.
bowsad ld bowsasho.
bowsasho eeg bowso. ld bowsad, bowsi.
bowsi Aqoon kooban oo aan dugsi iyo macalin toos ah laga baran. ld bowsasho.
bowso Aqoon kooban oo aan dugsi iyo macallin toos ah laga baran helid.
boy (1) (booyaad, m.l/booyaal, m.l/dh) Adeege, madiidin.
<< < 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 > >>