Ereyga Maanta: geedqaad
koromatiin (baay.) Walaxda ay koromosoomyadu ka samaysan yihiin. Waxay ka kooban tahay borotiinno (gaar ahaan histoono), DNA iyo waxoogaa yar oo RNA ah.
koromosoom (baay.) Dhisme dun oo kale ah oo laga helo bu'da unugyada dhirta iyo naflayda . Koromo-soomyadu waxay ka koobanyihiin koro-matiin, waxaanay qaadaan hiddo-sidaha, kaasoo suga astaamaha noolaha.
koromosoom-jinsi (baay.) Korokosoomyada xukuma xaya-waanka dhalanayaa lab iyo dheddig midka uu noqonayo. Waxay ku leeyihiin bu'da hal sinji lammaane koromosoomo oo isku kaan ah.
koron Rati la dhufaanay. ld koran.
koronkor (1) Sabuul meseggo oo iniinihiisu caanacaano yihiin oo aan weli bislaan.
koronkor (2) Mesego la kariyay, iyadoo aan la shiidin; cambuulo.
koronkoraysad ld koronkoraysasho.
koronkoraysasho eeg koronkorayso. ld koronkoraysad, koronkoraysi.
koronkoraysi ld koronkoraysasho.
koronkorayso 1. Badar karsamaya qaar gurasho. 2. Badar koron-kor ka dhigasho.
koronkorro Ayaxa dhashiisa aan weli duulid baran.
korontayaqaan Qof yaqaan farsamada korontada.
koronto 1. Qeyb cilmiga fisikada ka mid ah oo isku dhaf ah oo loo yaqaan danab, loona isticmaalo quwad dhalin sida guryo ifinta, karinta, waraabka iwm. 2. Danabka lafteeda.
koroomiyam (kiim.) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah, dabiici ahanna u jirta koromayt. Waxay aad ugu badantahay dalka Simbaabwi.
koror (1) Inta, wax ku darsanta.
koror (2) (kiim.) Isbeddel togan ama taban ee ku dhaca doorsoome. Koror guud ahaan waxaa loo isticmaalaa micno ahaan isbeddel yar.
koror (3) 1. Wax is khordin. 2. Ku k.: wax, wax kale ku darid.
kororsad ld kororsasho.
kororsasho eeg kororso. ld kororsad, kororsi.
kororsiimo Waxa ku siyaada wax horay u jiray
kororso Wax kororsiimo ku darsasho.
korow Jaadadka daanyeerka mid ka mid ah oo yaryar aadna u fudfudud; kore.
korran Wax la koriyey ahaansho.
korranaan eeg korran. ld korra-naansho.
korranaansho ld korranaan.
korrayn eeg korree.
korree Meel sare ku sugnaan.
korriimo ld korniimo.
korriin ld korniimo.
korsaar (1) 1. Wax la iibinayo faa'iidada laga helo. 2. Dhinacdhow.
<< < 921 922 923 924 925 926 927 928 929 930 931 > >>

