balaatihelmantis (baay.) Faylam ka tirsan lafdhabarla'da, oo ka kooban gooryaan suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen sahlan oo af mooye aan futo lahayn. Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.
balaayo ld belaayo.
balac (1) 1. Daymo, milicsi. 2. B. ka sii/b. ku sii: bal fiiri.
balac (2) Dugaagad ballaaran, xardhan oo macdan ka samaysanoo haweenka ku xarragoodaan.
balacsad ld balacsasho.
balacsan Wax shilis oo hilib isla'eg leh ahaansho (nafley).
balacsanaan eeg balacsan. ld balacsanaansho.
balacsanaansho ld balacsanaan.
balacsasho eeg balacso. ld balacsad, balacsi.
balacsi ld balacsasho.
balacso Daymoo; dhugo; milicso; ilkuxad.
balaf War aan la hubin oo cidda sheegtay aan la aqoon.
balaf (1) Neef xoolo ah oo biyo diido; biyodiid.
balaf (2) ld balfi.
balafbalafsii Faruuryaha ka b.: biyodiid awgiisa faruuryaha la ruxid.
balafbalafsiin eeg balafbalafsii.
balag (1) 1. Sixir meel la dhigo si qof meel dheer jiraa uu u yimaado barta sixirku yaallo. 2. Miraha yicibta, lebiga iwm oo curdan ah.
balag (2) Buuryo; beejo.
balalo 1. Bacaroor. 2. Cudur xoolaha ku dhaca markay daaqaan geedka balalada. 3. Xoolo ceel la keenay oo yeel la'aan awgeed baryo lagu waraabshey.
balaloo Ku b.: yalaalugo dareemid.
balalood eeg balaloo.
balambaallis Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; baalleybaro.
balambal (1) 1. (balambal, m.dh) Geed gaab dhirta daawada leh ka mid ah oo leh caleemo balballaaran, miro yaryar oo kuuskuusan iyo laamo jilicsan oo jabi og; geed-jinni. 2. ld balaambalid.
balambal (2) ld balaambal².
balambalid ld balaambalid.
balambam (kiim.) Summad: Pb. Curiye cufan oo bir jilicsan ah, midabkiisuna yahay boor furan. Waa curiyaha shanaad ee ururka IV ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa uu ku jiraa macdan kala duwan, hasayeeshee, waxyar ayaa dhaqaale ahaan waxtar leh. Kuwa ugu muhumsani wa a galiina (Pbs), angalisayt (Pbso), litaraj (Pbo), iyo siirusayt (PbCO ).
balanbalo ld balbalo.
balanqo Goodir dheddig.
balaq (1) 1. Cad yar oo hilib ah oo aan waxtar lahayn. 2. Cad hilib ah oo meel ka lusha. 3. Afka b. ha igu siin: ha ila hadlin.
balaq (2) Balaq noqosho (qof).
<< < 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 > >>