Ereyga Maanta: gomosh
ballandhigo Qof ballan la dhigasho, la yeelasho.
ballanfur (1) Ka bixidda ballan horey loo dhigtay. ld ballanfurid.
ballanfur (2) Ballan horey loo dhigtay ka bixid.
ballanfurid eeg ballanfur². ld ballanfur¹, ballabfuryo.
ballanfuryo ld ballanfurid.
ballangal (1) ld ballanqaad¹.
ballangal (2) ld ballanqaad².
ballangelid ld ballanqaadid.
ballanqaad (1) 1. Caddeynta cidi bixiso ee ay ku shaqeyso in ay ballan meel marineyso. 2. Warqad rasmi ah oo cidi ku caddeynayso gudidda qiimaha waxa la soo dalbaday. ld ballangaal¹.
ballanqaad (2) Wax lagu heshiiyay ama lays faray ballanteeda qaadid. ld ballangal².
ballanqaadid eeg ballanqaad². ld ballangelid, ballanqaadis.
ballanqaadis ld ballanqaadid.
ballansan Wax ballan loo dhigay ahaansho.
ballansanaan eeg ballansan. ld ballansanaansho.
ballansanaansho ld ballansanaan.
ballaq (1) ld balliqid.
ballaq (2) 1. Albaab, dariishad iwm wada furid. 2. Arrin wax ka qabashadeeda cid u dhigid. Tus. “Maxamed arrinti wuxuu u ballaqay maxkamadda”.
ballaqan (1) Wax wada furan noqosho (albaab, dariishad iwm).
ballaqan (2) Wax wada furan ahaansho (albaab, dariishad iwm).
ballaqid ld balliqid.
ballaqmid eeg ballaqan¹.
ballaqnaan eeg ballaqan². ld ballaqnaansho.
ballaqnaansho ld ballaqnaan.
ballayn eeg ballee. ld ballaysimo, ballaysin, billayn, billaysimo, billay
ballaysimo ld ballayn.
ballaysin ld ballayn.
ballee Ilmo markaa dhashay booqashadiisa ugu horrayn (dhaqankuna wuxuu qabaa in ilmahaas dabeecaddiisu ay u ekaato midda qofkaas hore). ld billee.
balli (balli /-iyo, m.dh) Biyo fariisin dabiici ah, yara godan oo roobku biyeeyo.
balliqid eeg ballaq². ld ballaq¹, ballaqid.
balool Dhul xaaluf ah oo aad loo degay.
<< < 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 > >>

