Ereyga Maanta: jirranaan
murray Nooc ka mid ah kuusha dumarku qoorta ku xirtaan.
murre Xabag aad u qaraar oo uu dhalo geedka dheddin oo daawo ahaan loo isticmaalo; malmal.
murriyad Kuul qalin ama dahab ka samysan oo dumarku qaataan. ld murriyo.
murriyo ld murriyad.
mursasho eeg murso.
murso Ka m.: caano, subag, malab iwm oo weel ku haray farta murugsatada ku tirsasho.
murtad (dii.) Qof muslim ahaa oo diinta Islaamka ka baxay.
murtadnimo (dii.) Murtad ahaansho.
murti Ulajeeddo kasmo, aqoon iyo waaya-aragnimo ku jirto oo hadalka, heesaha, gabayada iwm laga dhex helo; xigmad.
murtiyee Hadal, hees, gabay iwm murti u yeelid.
murtiyeyn eeg murtiyee.
murtiyeysan Hadal, hees, gabay iwm wax murti loo yeelay ahaansho.
murtiyeysnaan eeg murtiyeysan. ld murtiyeysnaansho.
murtiyeysnaansho ld murtiyeysnaan.
murud Caano, subag, malab iwm inta ku dhegta gidaarka ama salka weel. ld murug² (2), mudur.
murudsad ld murudsasho.
murudsasho eeg murudso. ld mudursad, mudursasho, mudursi, murudsad, murugsad, murudsato.
murudsato Farta gacanta oo suulka iyo fardhexada u dhexeysa. ld murugsato.
murudso Subag, caano, malab iwm oo weel ku haray far ku leefid. ld mudurso, murugso.
muruf ld mirif.
murug (1) 1. Cayayaan geedka digirta ka cuna caleenta. 2. Isku marmidda xarig, dun iwm ay isku milqaan.
murug (2) 1. ld murugo 1. Uurkutaallo; caloolxumo. 2. ld murud.
murug (3) 1. Xarig iwm si aad ah isku dhex gelid. 2. Arrin iwm wax aan la xallin karin noqosho.
murugee Cid murugo gayeysiin.
murugeyn eeg murugee.
murugeysan Cid wax murugo hayso ahaansho.
murugeysnaan eeg murugeysan. ld murugeysnaansho.
murugeysnaansho ld murugeysnaan.
murugo (1) ld murug² (1).
murugo (2) (c.naf.) Xaalad maskaxeed oo qofku aad u qalbi xunyahay. Dhaqdhaqaaqu wuxuu noqon karaa mid kacsan oo aan xasillooneyn ama mid gaabiya oo an firfircooneyn. Dabeecadda qofka waxa ka muuqata rajobeel iyo beelosheeg. Hurdada, cuntada iyo fakarkaba oo xumaada.
<< < 1099 1100 1101 1102 1103 1104 1105 1106 1107 1108 1109 > >>