Ereyga Maanta: shirbin
dhiidhiib Fadhi luguhu u fidsanyihiin fariisasho (qof).
dhiidhiibi Qof fadhiya, luga fidin.
dhiidhiibid eeg dhiidhiib.
dhiidhiibin eeg dhiidhiibi.
dhiidhiibsad ld dhiidhiibsasho.
dhiidhiibsan Qof isagoo fadhiya wax lugaha fidsaday ahaansho.
dhiidhiibsanaan eeg dhiibdhiibsan. ld dhiidhiibsanaansho.
dhiidhiibsanaansho ld dhiidhiib- sanaan.
dhiidhiibsasho eeg dhiibdhiibso. ld dhiidhiibsad, dhiidhiibsi.
dhiidhiibsi ld dhiidhiibsasho.
dhiidhiibso Qof isagoo fadhiya lugaha fidsasho; dhiidhiib u fariisasho.
dhiidhiin (1) Kur ka samaysanta ciidda bacaddada.
dhiidhiin (2) Maqal ari aad u bar yar oo dhalatay iyadoon bila-dhammaysan.
dhiidhiiyo Cayayaan madaxa iyo qaarka hore qolof adag oo kurtummo lihi kaga roganyihiin oo aan baalal lahayn oo qaar dambe oo buuran leh; xabley.
dhiidhiyid eeg dhiidhi4. ld dhiidhi¹ (2).
dhiifoon Qof firfircoon oo dhega nugul ahaansho.
dhiifoonaan eeg dhiifoon. ld dhiifoonaansho, dhiifooni.
dhiifoonaansho ld dhiifoonaan.
dhiifooni ld dhiifoonaan.
dhiig (1) 1. Dareere guduudan, wadnahu qaybiyo, halbowlayaasha nafleyda qaarkeed ku wareega oo nafaqada siiya. 2. Caadada dumarku bishiiba hal mar helo; xayl. 3. Dil.
dhiig (2) 1. Dhiig sii deyn. 2. ld dhiigow.
dhiig-dhac (daaw.) Xaalad caadadiska dhiigga halbowlayaashau si aan caadi ahayn hoos ugu dhaco Waxay dhacdaa marka biyo badan ay jirka ka baxaan sida: shuban, gubasho, matag ama dhiigbax badan dhaco.
dhiig-joogsi (daaw.) Joogsashada dhiig socday oo ay keentay shaqada dabiiciga ah ee jirka oo ka kooban xinjirowga dhiigga iyo iskuroorka xididdada go'ay.
dhiig-ku-shubid (daaw.) Dhiig laga soo miiray qof caafimaad qaba oo dhiig bixiye ah (donor) oo lagu shubo aroor ka mid ah xididdada dhiigga ee qof kale oo dhiiggiisu ku fillaan waayey tiro yari ama tayo xumi awgeed oo ka iman karta shil ama cudur.
dhiig-urur (daaw.) Dhiig ku ururay soohyada dhexdooda oo xinjirooba markaas sameysmato meel soo buuran oo adagi.
dhiig-xinjirow (daaw.) Falalka taxanaha ah oo uu dhiiggu iska beddelo darere oo u beddelmo adke.
dhiigaabid eeg dhiigow. ld dhiigid.
dhiigbax (1) 1. Dhiig badan oo oogada meel ka mid ah ka yimaada. 2. ld dhiigbixid.
dhiigbax (2) (daaw.) Dhiig badan ka yimaada xidid go'ay gudaha ama xagga sare ee jirka.
dhiigbax (3) (daaw.) Dhiig badan oogada meel ka mid ah ka imaansho.
<< < 134 135 136 137 138 139 140 141 142 143 144 > >>