Ereyga Maanta: qooshid
suuqnaan eeg suuqan². ld suuq-naansho.
suuqnaansho ld suuqnaan.
suuqyo Warmo.
suur Badar biyo qashin kaga saarid.
suur (1) Buunka qiiyamo la yeersho maalinta ee uumiga la xisaabayo.
suur (2) 1. Muuqaal qurxoon. 2. (-ro, m.l) Qabaal aan ceelka laga qaadin oo xoolaha laggu shubo. 3. (-ro, m.l) Dhagax, qashin iwm oo badar ku dhex jira.
suur (3) Seexasho weyn, saq gelid; gam'id.
suuraaf (1) 1. Isla-wareeg. 2. S. ah: qof socod badan oo dan la'aana samayn.
suuraaf (2) 1. S. ah: gabar inan ah oo gurigooda uga tagtay sabab la'aan; isla-wareegto. 2. S. ah: neef ugub ah oo lumid badan.
suurad 1. Muuqaal ama qaab qof leeyahay. 2. (-do, m.l) 114 qaybood oo quraanku u qaybsamo mid ka mid ah.
suuradi Xoolo, dad iwm tiradooda si mala-awaal ah u qiyaasid.
suuradin eeg suuradi.
suuraggal (1) 1. Fursad; awood. 2. S. ah: wax dhici kara. ld suurtaggal¹.
suuraggal (2) Wax rumoobi kara noqosho. ld suurtaggal².
suuraggeli Wax dhici kara ka dhigid (hawl iwm). ld suurtaggeli.
suuraggelid eeg suuraggal². ld suur-taggelid.
suuraggelin eeg suuraggeli. ld suur-taggelin.
suurasho eeg suuro².
suurayn eeg suuree.
suuree Wax qaabkiisa qiyaasid.
suuri (1) Maryo qurux badan oo dalka Siiriya laga sameeyo.
suuri (2) Nafley muddo dheer hurdisiin.
suurid eeg suur³.
suurid (1) eeg suur.
suurin eeg suuri².
suuris-jiilaal 1. (bot.) Habaynta qaybaha ruqurka ubaxa, gaar ahaan laacayaasha iyo malaacayaasha. 2. (c.nafl.) Xaalad firfir-cooni la'an ah oo ay xayawaanka qaarkii gelaan xilliyada abaartu dheeraato iyo kulaylka. Waxa kale oo hoos u dhaca quudashada, neefsiga iyo dhaqdhaqaaqaya-da kale ee jidhka.
suuro (1) Isyeelyeel, kibir iyo meelmaag naagaha iyo carruurtu muujiyaan.
suuro (2) Badar dhagax, qashin iwm ka saarasho.
suuroo Fal isjejebin iyo islaweeyni ku jirto muujin (haween).
suuroobid eeg suurow². ld suurtoobid.
<< < 1393 1394 1395 1396 1397 1398 1399 1400 1401 1402 1403 > >>