Ereyga Maanta: raquus
dhiiguris Fal lagu falo ugaarta (dhiigga neefka la dilay ayaa qaansada madaxeeda iyo dabadeeda lagu taabtaa).
dhiigyacab Qof dadka laaya; dilaa. ld dhiigcab.
dhiigyacabad Naag dadka laysa.
dhiigyacabnimo Dhiigyacab ahaansho.
dhiigyar Wax aan dhiig badani jirkiisa ku jirin ahaansho.
dhiigyaraan eeg dhiigyar. ld dhiigyaraansho, dhiigyari, dhiigyaro.
dhiigyaraansho ld dhiigyaraan.
dhiigyari ld dhiigyaraan.
dhiigyari-daran (daaw.) Nooc dhiigyari ah oo ay keento fitamiin B12 oo yaraata, waxayna ka timaadda ama maqnaanshaha walaxda loo yaqaan (intrinsic factor) oo sahlan fitamiin B12 ka gudubto xiidmaha oo ay dhiigga u gudubto, ama cunnada oo ay ku yartahay fitamiinka Dh.dad. waxa lagu yaqaan sameynta unugyada cas-cas ee dhiigga oo cilladeysan. Dhuuxa lafta oo ay ku jiraan unugyo loo yaqaan megaloblastas.
dhiigyaro Dhiigyaro (Anemia) waa xaalad aanad haysan unugyo dhiig oo casaan ku filan si ay u qaadaan oksijiin ku filan unugyada jirka. Dareemidda dhiig-yaraanta ayaa kaa dhigi karta inaad dareentid daal iyo daciif. Waxaa jira noocyo badan oo ka mid ah dhiig-yarida, oo mid waliba leeyahay sabab u gaar ah. Dhiigyaro wuxuu noqon karaa mid mudo gaaban ah ama muddo dheer sidoo kale wuxuu ka koobnaan karaa mid fudud ilaa mid daran.
dhiiji 1. (f.g) Ib, dalool iwm dareere ka keenid. 2. (f.mg) Ka dh.: jir nafley dhiig ka keenid.
dhiijin eeg dhiiji. ld dhiijis.
dhiijis ld dhiijin.
dhiil (1) Haruubka dhiisha lagu daboolo.
dhiil (2) Weel tolay ah, sidde iyo aabur leh, aagaanta ka yar oo caanaha lagu shubto.
dhiillaysan Cid dhiillo gashay ahaansho.
dhiillaysnaan eeg dhiillaysan. ld dhiillaysnaansho.
dhiillaysnaansho ld dhiillaysnaan.
dhiillo 1. Colaad iyo dhibaato. 2. Welwel iyo cabsi.
dhiilloo Dhilloo dareemid.
dhiillood eeg dhiilloo.
dhiiltole Dhiil farsamayaqaan.
dhiimi Meel dheecaan yar ka keenid.
dhiimid eeg dhiin².
dhiimin eeg dhiimi.
dhiin (1) 1. Dheecaan yar, layiig ah, oo ka yimaadda miraha, geedaha, nabarrada iwm 2. Midab aad u guduudan.
dhiin (2) Miro, geedo, nabar iwm dheecaan ka soo bixid.
dhiinbax (1) ld liinbax¹.
dhiinbax (2) ld liinbax².
dhiinbixid ld liinbixid.
<< < 136 137 138 139 140 141 142 143 144 145 146 > >>