Ereyga Maanta: codlaawe
xardhid  eeg xarar².
xareed  1. Biyo roob. 2. Biyo macaan oo aan cusbo lahayn. 3. X. ah: midab casaan furan ah.
xareedayn  (kiim.) Hab ka kooban karkarinta hoor iyo qaboojinta uumigiisa. Xareedaynta waxa loo isticmaalaa safaynta hoorarka ama kala sooridda xubnaha iskujir hoor ah.
xareedeeye  Baalalley.
xareedi   1. Dugaag, shimbiro iwm ciyaaro, ci'ama dhaqdhaqaaq kale oo ay ku muujinayaan barwaaqo samayn. 2. Shimbiro ci'iyo dhaqdhaqaaq la aammin-sanyahay in ay ku roobdoonayaan samayn.
xareedin  eeg xareedi. ld xareedis.
xareedis  ld xareedin.
xarfaan  eeg xariif. laacib;
xarfad1  ld xarfasho. xarfad2  Xeelad qof u suurta gelisa in uu danihiisa si fiican u fushado. xarfadayn  eeg xarfadee.
xarfadee   Xarfad samayn.
xarfasho1  eeg xarfo². ld xarfad¹. xarfasho2  1. Dhaqaaq tartiib ah ee biyaha sare ee badda ama haro oo ay dabayshu dhaqaajiso iyo dhaqaaqyada kale ee la midka ah sida ciidda iwm. 2. (jool.) Tuulimaad kasta oo dhulka dushiisa ah oo la soo qaaday, gaar ahaan ka barafku tuulo amase biyaha ka yimaada barafka. xarfi   Hoore kulul ama diirran dabayl ku qaboojin.
xarfin1  eeg xarfi. xarfin2  (fiis.) Dariiqadda ay walaxi kaga beddelanto uumi isuguna bedesho dareere. Dareeruhu, tusaale ahaan, waxa sameeya uumi galey gibilka. xarfo1  1. Caws jilicsan oo dhego yaryar oo meelaha riska ah ka baxa; wuxuu yeesha sabuul miro yaryar leh oo la cuno. 2. (-ooyin, m.l) Kax bannaan; dibir. 3. Kalluunka jaad ka mid ah. xarfo2   Hoore dabayl ku qaboobid. xargag1  1. Wax biyabbiyo ah, sida dhiigga, is-qabsadkooda. 2. Wax caato darteed, la engega, isku soohma. 3. Kawrax; engeg. ld hargag¹, xarkag¹. xargag2   Subag, dhiig iwm wax fadhiya ama adag noqosho. ld hargag², xarkag². xargagid1  eeg xargag². ld hargagid, xarkagid. xargagid2  (fiis.) Xaaladda dareere jiitama oo isu beddelo wax fadhiya. xargagoosasho  eeg xargagooso.
xargagooso   Wayraxid.
xargagsan   Wax xargagay ahaansho. ld hargagsan, xarkagsan.
xargagsanaan  eeg xargagsan. ld hargagsanaan, hargagsanaansho, xargag-sanaansho.
xargagsanaansho  ld xargagsanaan.
xargaha codka  (c.nafl.) Sooha labada isugu laaban oo ka soo kuusan labada dhinac booca oo ka sameeya jeexdin dhuuban hawomareenka dushiisa. Neef soo saaridda way ruxdaa cod la maqlana waa ka sameysa kaas oo ah hadal, hees iyo codad kale oo la naqlo. Isbeddelka ku dhaca xargaha codka iyo cudurrada ku dhaca dareemayaashooda waxay wax yeelleeyaan codka.
xarig  1. Daliigo xaskul ah ama mayrax ama caw ama xariir ama bir ama wax kale oo inta la isku jebsho tidco, wax lagu xiro ama lagu jiido. 2. Xabsi.
page : 1538 of 1584
<< < 1533 1534 1535 1536 1537 1538 1539 1540 1541 1542 1543 > >>