Ereyga Maanta: codlaawe
xigsasho  eeg xigso.
xigsii  Wax meel ku sugan wax kale ag dhigid. ld xiji.
xigsiin  eeg xigsii.
xigsiisan  Aroosidda nin ooridii ka dhima-tay walaasheed arooso. ld xiskiisan.
xigsimi  ld xiskimi.
xigsimid  ld xiskimid.
xigsimin  ld xiskimin.
xigsin1  ld xiskin¹. xigsin2  ld xiskin². xigsinayn  (fiis.) Hab lagu raadiyo dhakhsaha uu hal xaddi doorsoome isla beddelo xaddiga doorsoome kale. Tusaale ahaan baabuur baa socday fogaanta x1 ilaa x2 waqtiga u dhexeeya t1 ilaa t2. Xawaare celceliska babuurku waa (x2-x1)/(t2-t1) oo loo qori karo Dx/Dt, taas oo x ay u tagan-tahay isbeddelka x ee waqtiga t.
xigso  1. (f.g) Cid meel fadhida ag fariisasho. 2. (f.g) Cid qaraabo ka dhigasho. 3. (f.mg) Ka x.: cid dhib ka furasho.
xigtannimo  Qaraabonimo; sokeeye; xigaal.
xigto  ld xigaal.
xiid  1. Shinbir xidinxiitada u eg, kana weyn. 2. Xidinxiitada keeda lab.
xiidan1  1. Dhuunta cunnadu marto, inteeda u dhexaysa caloosha iyo afka saxaradu ka baxdo. 2. Cunnammareenka intiisa yaryar oo caloosha (godanta) iyo qab-sinnada u dhexaysa. xiidan2  (c.nafl.) Qaybta ka midka mindhicirka weyn ee lafdhabarleyda ee u dhexaysa siikamka iyo malawadka. Shaqada ugu weyn ee uu qabtaana waxa weeye ka soo nuugista macaadinta iyo biyaha hadhaaga cuntada aan la dheefshiidin ee soo dhaafta mindhicirka yar, taas oo marka dambe noqo-ta saxarro. xiidgood  Xiidxiito.
xiidmo  Dheefshiidka intiisa yaryar oo ay ku dhammaato calooshu iyo qabsiinnada u dhexeeya.
xiidxiito  ld xidinxiito.
xiiji  Nafley orod ku daalin, nafley xuurtaysiin. ld xiiqi.
xiijin  eeg xiiji.
xiilo  ld xeel.
xiimi  1. Wax xiin ka keenid. 2. Wax aad u ordisiin.
xiimid  eeg xiin².
xiimin  eeg xiimi.
xiin1  1. Waxa xoog u wareegaya ama u ordaya, shanqarta ka yeerta. 2. Sayn roob ah oo xoog iyo dheerayn leh. xiin2  1. Aad u ordid. 2. Matoor baabuur iwm dhawaaqid. xiinto  Webiyada, durdurrada iwm meelaha biyadhaca ah oo xiinka sameeya.
xiiq1  1. Neef xoog leh oo nafleyda qabata kolka in badan la ordo; xuurto. 2. Xiiqdheer; kix. xiiq2  (daaw.) Xaalad bukaansho oo lagu yaqaan iskuroorid kedis ah ee dhuumaha neefta taaso keenta dhibaato neefsasho.
page : 1552 of 1584
<< < 1547 1548 1549 1550 1551 1552 1553 1554 1555 1556 1557 > >>