Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: codlaawe
bog (2) (c.nafl.) Muruq ballaaran oo xalleef ah oo kala xira uurka iyo saabka nafleyda. Wuxuu kaalin weyn ka qaataa neefsashada: qaadashada tuurista hawada.
bog (3) 1.(f.g) Wax qabya ahaa dhammaysitirid. 2. (f.g) Hawl billaabid oo dhammaystirid. 3.(f.mg) U b.: wax jeclaan: hadalkiisaan u boggay.
bogaad U bogid; qiimayn.
bogaadi U b.: cid hambalyo u jeedin.
bogaadin eeg bogaadi. ld bogaadis.
bogaadis ld bogaadin.
bogaadsi Hambalyo.
bogasho eeg bogo.
bogcad 1. Dhasha fardaha iyo idaha inta aanay weli ababin. 2. Dhul yar oo bannaan.
bogdoox (1) 1. Wadiiqo toos ah oo ka leexaato waddo weyn. 2. Weeraridda cadow dhinac laga weeraro. 3. Qalliin lagu sameeyo haweenka dhali waayey iyadoo dhinac laga soo saarayo ilmaha. 4. ld bogdooxid.
bogdoox (2) 1. Cadow iwm dhinac ka wareemid. 2. Haweeney si caadi ah u dhaliweydey si ilmaha looga dhaliyo caloosha dhinac ka qalid.
bogdooxid eeg bogdoox². ld bogdoox¹ (4).
boggan Wax la bogay ahaansho.
bogganaan ld bognaansho.
bogganaansho ld bogganaan.
bogid eeg bog²..
bogla' Nooc jaadadka malayga ka mid ah.
bogo 1.(f.g) Cunto, cabid iwm ka dhergid. 2. Ka b.: arrin, hawl iwm ka baaraandegid; ka salgaarid.
bogox ld bugux.
bogsad ld bogsasho.
bogsasho eeg bogso. ld bogsad, bogsi, bogsood.
bogsi ld bogsasho.
bogsii Wax buka caafimaadin.
bogsiin eeg boogsii. ld bogsiis.
bogsiis ld bogsiin.
bogso Wax caafimaaday noqosho. ld bogsoo.
bogsoo ld bogso.
bogsood ld bogsasho.
bohol Jeex hoos u dheer biyo iwm sameeyeen oo dhulka ku yaal.
boholaddumi U b.: cabsi gelin iyo degniin cid loo jeediyo si ujeeddadeeda looga baajiyo. ld boholatus².
<< < 153 154 155 156 157 158 159 160 161 162 163 > >>