Ereyga Maanta: gur
candhakarsanaan eeg candhakarsan. ld candhakarsanaansho.
candhakarsanaansho ld candhakarsanaan.
candhasaab (1) Kolay maro ama harag ka samaysan oo ariga candhada loo geliyo si aysan dhashoodu u nuugin.
candhasaab (2) Neef ari ah si aysan dhashiisu u nuugin kolay harag ama maro ka samaysan candhada u gelin.
candhasaaban Wax la candhasaabay ahaansho (ari).
candhasaabasho eeg candhasaabo.
candhasaabid eeg candhasaab².
candhasaabnaan eeg candhasaaban. ld candhasaabnaansho.
candhasaabnaansho ld candhasaabnaan.
candhasaabo Ari irmaan si aysan dhashiisu u nuugin candhasaab u gelin.
candhayn eeg candhee.
candhee 1. Neef irmaan candho keenid. 2. Neef sid dhaweeyey gor yeelasho.
candho Xubinta caanahu galaan ee xayawaanka dheddig.
candhokar Candho xoolaad aad u dararid.
candhokarid eeg candhokar.
candhokarsan Candho xoolaad wax aad u dararsan ahaansho.
candhokarsanaan eeg candhokarsan. ld candhokarsanaansho.
candhokarsanaansho ld candhokar-sanaan.
candhuuf (1) Hoore layig ah, aan midab lahayn, qanjirrada afka nafleyda ka yimaada oo liqidda cuntada fududeeysa. ld candhuufo.
candhuuf (2) (c. nafl.) Dareere biyo oo kale ah ay qanjidho candhuufeedku ku dhiiqiiyaan afka. Soo saarida candhuufta waxa nashaadiya cuntada afka ku jirta iyo urta ama ku fekerka cuntada.
candhuuf (3) Ku c.: cid candhuuf ku tufid.
candhuufayn eeg candhuufee.
candhuufee 1. Candhuuf marin. 2. Candhuuf ku tufid.
candhuufid eeg candhuuf².
candhuufo ld candhuuf¹.
candiid ld cindiid.
caneeqaad (1) ld qaneeqaad¹.
caneeqaad (2) ld qaneeqaad².
caneeqaadid ld qaneeqaadid.
canfar Neef ido ah oo canka diilliin cad ku leh.
<< < 212 213 214 215 216 217 218 219 220 221 222 > >>