Ereyga Maanta: diilan
bamgareyn eeg bamgaree. ld bangareyn, bongareyn, bungareyn.
ban (1) Dhul bannaan oo aan dhir la hargalo lahayn.
ban (2) Saxarro jilicsan; shuban.
banaadiiq eeg buntuq. ld banaatiiq.
banaag Dabaqad; nooc; koox ka kooban dad ama waxyaabo kale oo ay wadaagaan astaamo u gaar ah..
banaanadi 1.(f.g) Qof nafley kale legdid. Tus. “Cali baa Xasan dibir ku banaanadiyey”. 2. (f.mg) Leegleegsasho.
banaanadin eeg banaanadi. ld banaanadis.
banaanadis ld banaanadin..
banaatiiq eeg buntuq. ld banaadiiq.
banaaxi (1) ld banaaxiyid.
banaaxi (2) Lo'barwaaqo joogto ciyid. ld bunaaxi², bunnaahi².
banaaxin ld banaaxiyid.
banaaxiyid eeg banaaxi². ld banaaxi¹, banaaxin, bunaaxi¹, bunaaxin, bunaaxis.
banaaxo Cida ay lo'du sameyso kolkay barwaaqo joogto. ld bunaaxo, bunnaaho.
banbaano ld bambaano.
bandar ld bender.
bandhig (1) 1. Keenidda meel fagaare ah wax-soo-saar warshadeed, beereed, faneed iwm si loo daawado. 2. ld bandhigid.
bandhig (2) Alaab ganacsi ama faneed iwm meel fagaar ah dadweynaha ugu dhigid.
bandhigan Wax la bandhigay ahaansho (alaab).
bandhigid eeg bandhig². ld bandhig¹ (2).
bandhignaan eeg bandhigan. ld bandhignaansho.
bandhignaansho ld bandhignaan.
bandiirad Cad maro ah oo midabyo iyo qiyaas loo yaqaan leh oo astaan u ah qarannimada ummadeed; calan. ld bandiiro.
bandiiro ld bandiirad.
bandoo ld bandow.
bandow Amar dowladeed oo ku xukumayo dad magaalo deggan inaanay isu socon waqti go'an nabadgalyo awgeed. ld bandoo.
banduul Meel doonyaha dhexdooda ku taal oo loo sameeyo inay biyuhu ku soo uruuraan si looga dhuro.
banfadhi ld danfadhi.
banfariisad ld danfariisasho.
banfariisasho ld danfariisasho.
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>