banfariisi (1) ld danfariisi¹.
banfariisi (2) ld danfariisi².
banfariiso ld danfariiso.
bangalo 1. Guri dhul weyn ku fadhiya, si qurux badan u dhisan, baabuurta dhex geli karto oo dhiri ku tallaalantahay. 2. Dhismo hareeraha ka guran oo guryaha hortooda ama dushooda lagu dhiso oo lagu leersado.
bangaree ld bamgaree.
bangareyn ld bamgareyn.
bangeeriyaad Shuban ka yimaadda qofku marka uu dhimanayo.
bangi ld banki.
banii-aadan Dadka Eebehay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. ld banii-aadmi, benii-aadan, benii-aadmi, binii-aadan.
banii-aadannimo Banii-aadan ahaansho. ld benii-aadannimo, binii-aadannimo.
banii-aadmi ld banii-aadan.
banji Geedgaab iniinahiisa lagu sakhraamo oo leh caleemo balballaaran iyo miro kulkulucsan, waaweyn oo dusha qodxo jiljilicsan ku leh.
banji-bicaddaan Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac ka cad, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. ld caddaan-bibiish.
banji-bidooh Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac labo dhibcood ku leh, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. ld dooh-bibanji.
banji-bijoohaar Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac afar dhibic ku leh, dhinaca kalena shan dhibic. ld joohaar-bibanji.
banji-bisaliim ld saliim-bibanji.
banji-bishiish Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld biish-bishiish, shiish-bibanji, shiish-bibiish.
banji-biyeeg Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro hal dhibic ku leh, dhinaca kalena shan ku leh. ld yeeg-bibiish.
banjiyad Dhagax dubnadeed oo labada wejiba ku leh, shan dhibcood. ld biishad.
banjoog Xayawaanka intiisa nacfiga leh ee aan dadka la noolayn; duurjoog.
banjoogoobid eeg banjoogow.
banjoogow Banjoog noqosho (xayawaan).
bankad Nooc marwaxadaha gacanta lagu socodisiiyo ka mid ah oo tumaaluhu dabka ku huriyo.
bankarroor (1) 1. B. ah: qof fulannimo dheeraad ah ku sifoobay. 2. B. ah: cabsi badan oo cidi dareento.
bankarroor (2) Cabsi badan dareemid.
bankarroori Cabsi badan cid ku abuurid.
bankarroorid eeg bankarroor².
bankarroorin eeg bankarroori.
bankarroorsan Wax bankarroor ku dhacay ahaansho.
bankarroorsanaan eeg bankarroorsan. ld bankarroorsanaansho.
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>