Ereyga Maanta: silqo
ahbin ld abhin.
ahbis ld abhin.
ahdaaf eeg hadaf.
ahlan Nabaday.
ahlunaar Qof cadaab mutaystay. ld ahalunnaar, ehelunnaar.
ahmi eeg ahmin.
ahmin 1. Ariga intiisa shilis oo la suuq geyn karo. 2. Orgida iyo wananka dhufaanan ee beeca ama hilib loogu talagalay. ld ahmi.
ahmiyad Ujeeddo; qasdi; muhiimmad.
ahraam (1) Dhisma soo yaal ah oo Masaaridii hore dhistay oo leh shagli saddex-geesoole.
ahraam (2) (xis.) Adke salkiisu yahay geesoole iyo dhammaan wejiyada kalena ay yihiin saddex-xagallo wadaaga gees.
ajal (1) 1. ld ajalo. Dhammaadka nolosha qof. 2. ld ajalid.
ajal (2) Cid dhimashadeeda sabab u noqosho.
ajalid eeg ajal². ld ajal¹ (2).
ajalo Geeri. ld ajal¹ (1).
ajar (1) 1. ld ajir, ajri. Abaalgud Eebbe siiyo qof camal wanaagsan sameeyey. 2. ld ajarid.
ajar (2) Khayaano; qayaano.
ajar (3) Cid si qarsoodi ah u dhibaatayn.
ajaran (1) Cid, wax ku qatalmid.
ajaran (2) Cid wax ku qataltay ahaansho.
ajaraysasho ld ajarsasho.
ajarayso ld ajarso.
ajarid eeg ajar³. ld ajar¹ (2).
ajarmid eeg ajaran¹.
ajarnaan eeg ajaran². ld ajarnaansho.
ajarnaansho ld ajarnaan.
ajarro Cudur qanjirrada geela barariya.
ajarsad ld ajarsasho.
ajarsasho eeg ajarso. ld ajaraysasho, ajarsad, ajarsi, ajirsad, ajirsasho.
ajarsi ld ajarsasho.
ajarso Ka a.: cid si ajar looga kasbado wax ay u baahantahay siin. ld ajarayso, ajirso.
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>