Ereyga Maanta: jimcobarqadle
dhudhunsanaansho ld dhudhun- sanaan.
dhudhunsasho eeg dhudhunso. ld dhudhunsad.
dhudhunso Wax dhudhun ku cabbirasho.
dhudhus ld dhusundhus.
dhudhuub Biyamareen dhuuban.
dhufaan (1) 1. (-nno, m.dh) Dh. ah: neef xoolo ah la xiniinya baxshay. 2. ld dhufaanid.
dhufaan (2) Neef xoolo ah xiniinya bixin.
dhufaanan (1) Wax la dhufaanay noqosho.
dhufaanan (2) Wax la dhufaanay ahaansho.
dhufaanid eeg dhufaan². ld dhufaan¹ (2).
dhufaanmid eeg dhufaanan¹.
dhufaannaan eeg dhufaanan². ld dhufaannaansho.
dhufaannaansho ld dhufaannaan.
dhufad ld dhifasho.
dhufasho ld dhifasho.
dhufato ld dafo.
dhufays Hog dhulka laga jeexo oo askaruhu waqtiga dagaalka xabbadda kaga gabbadaan.
dhufo ld dhifo.
dhufsad ld dhifsasho.
dhufsane 1. (xis.) Tiro ama tibaax la mid ah taranka tiro ama tibaax la isa siiyey iyo tiro ama tibaax kale. Tus. “6 waa dhufsane 2”. 2. Tiro ama tibax isirkeedu yahay tiro la isa siiyay ama tibaax. Tus. “26 waa dhufsane 13”.
dhufsane ay wadaagaan Tiro dhufsane u ah laba ama dhowr tiro oo kale. Tusaale ahaan, 100 waa dhufsanaha ay wadagaan 5,25 iyo 50.
dhufsane-yaraha ay wadaagaan (xis.) Dhufsanayaasha ay wadaagaan laba ama dhawr tiro midka ugu yar waxa la yiraahdaa dhufsane yaraha ay wadaagaan tirooyinkaas. Waxa loo soo gaabiyaa 0 dh.y.w.
dhufsasho ld dhifsasho.
dhufso ld dhifso.
dhuftin ld dhifsasho.
dhug 1. Maan; caqli. 2. (sh.r) Cod lagu muujiyo shalaqa. 3. Nishaab fiican. 4. ld dhugato.
dhugad ld dhugasho.
dhugasho eeg dhugo. ld dhugad.
dhugato Cudur geela sambabbada kaga dhaca oo qufac badan leh. ld dhug (4), dhugmo (3).
dhugatoobid eeg dhugatow.
<< < 427 428 429 430 431 432 433 434 435 436 437 > >>