Ereyga Maanta: xuubka saynuufiyal
dibbo 1. Dad ama xoolo rugtoodii ka dhixid. 2. Dayax soo bixi waayid. ld dubbo.
dibbood (1) Baadi cidla bariday.
dibbood (2) Xoolo, xeradoodii ka dhixid.
dibboodi Wax dibbood ka dhigid.
dibboodid eeg dibbood².
dibboodin eeg dibboodi.
dibdhac (1) Daahidda laga daaho ballan iwm. ld dibdhicid.
dibdhac (2) 1. Waqtigii la rabay ka gadaal marid. 2. Heer wanaagsan oo lagu sugnaa hoos uga dhicid.
dibdhicid 1. eeg dibdhac². 2. Hoos-u dhac (dhaqaale). ld dibdhac¹, dibudhac, dibudhicid, dibudhicis.
dibed ld dibad.
dibi (dibi/-iyo, m.dh) Labka lo'da.
dibijaano Dhalo weyn oo sal ballaaran iyo af dhuuban leh oo biyaha, qamriga iwm lagu shubto.
dibin Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal, oo afka daboola, ereyadana codeeya middood; bushin; faruur. ld debin.
dibin-siilka (c.nafl.) Xubinta galmada ee dumarka qaybteeda dibadeysa. Laba joog oo faruuryo ah oo kala ah dibnaha waaweyn iyo dibnaha yaryar waxay daboolaan daloolka siilka, daloolka kaadimareenka kintirkana horay bay u leexiyan.
dibindaabyee Wax dibindaabyo u geysasho.
dibindaabyeyn eeg dibindaabyee.
dibindaabyo 1. Waxyeello. 2. Khayaano.
dibir Dhul ciid adag, dhano ah oo aan geedo badan lahayn; dhooddi.
dibir (1) Legdin dhulka si xoog leh laysugu dhufto. ld dibirrooti¹.
dibirrooti (1) ld dibir.
dibirrooti (2) Legdin si xoog leh dhulka qof ugu dhufasho.
dibirrootiyid eeg dibirrooti².
dibiyee Awr si dibiyo ah u rarid.
dibiyeyn eeg dibiyee.
dibiyeysan Wax si dibaya ah u raran ahaansho (rati).
dibiyeysnaan eeg dibiyeysan. ld dibiyeysnaansho.
dibiyeysnaansho ld dibiyeysnaan.
dibiyo D. ah: rar aan kabaallo lahayn oo awr saaran.
dibjir (1) 1. Qof sabool ah oo aan hoy uu u hoydo lahayn. 2. Kuray geela ilaaliya.
dibjir (2) Habeen dhan qadid.
<< < 440 441 442 443 444 445 446 447 448 449 450 > >>