Ereyga Maanta: dabakannaaxid
heellanaansho ld heellanaan.
heello Nooc heesaha jacaylka ah ka mid ah oo waayadii hore la qaadi jirey.
heelloon ld heellan.
heelloonaan ld heellanaan.
heelloonaansho ld heellanaan.
heelo Wax ku dhowaasho.
heemaal 1. Dhiil la culay oo caano lagu garooriyey marka laga shubo murudka ku hara. 2. Qaab wanaagsan oo wax leeyihiin. 3. (-lo, m.dh) Agagaar.
heemaar 1. Budo yar oo lagu bitiyo subag la shiilayo si xantadu hoos u degto. 2. Heerka uu sameeyo dareere weel ku jira. 3. Hoore yar oo weel salkii ku jira.
heemaari Wax heensasho.
heemaarin eeg heemaari.
heemaarsad ld heemaarsasho.
heemaarsasho eeg heemaarso. ld heemaarsad, heemaarsi.
heemaarsi ld heemaarsasho.
heemaarso 1. Wax heensasho. 2. Wax dufan ka qaadasho.
heemasho eeg heemo.
heemi 1. Wax ilaa dhibicda ugu dambaysa cabbid; gorori. 2. Wax heen ka qaadid.
heemin eeg heemi.
heemo (1) Illin ama duuf aan layska tirin.
heemo (2) 1. Degid isu diyaarin. 2. Ku h.: wax ku soo uruurid.
heen (1) 1. Dufanka kor fuula fuudka, hilib la karinayo. 2. Hoore yar oo weel salkiis ku haray.
heen (2) Subagga fuudka ama maraqa.
heensad ld heensasho.
heensarraar Tiirar gaagaaban, tarraarro leh oo aqalka guradiisa lagu mudo lana saaro duubashida iwm.
heensasaar Alaab fardaha lagu qurxiyo.
heensasho eeg heenso. ld heensad, heensi, hiinsad, hiinsasho, hiinsi.
heensayn eeg heensee.
heensaysan Faras heense la saaray ahaansho.
heense Inta fardaha la saaro kolka la fuulayo (koore, xakame iwm).
heensee Faras heense saarid.
heenseysnaan eeg heenseysan. ld heenseysnaansho.
<< < 724 725 726 727 728 729 730 731 732 733 734 > >>