Ereyga Maanta: gurguurto
hiddoside (baay.) Halbeeg hidde oo ka kooban DNA. H. waxa loo qeexi karaa in uu yahay dhererka ugu gaaban ee koromosoom kaas oo aan la jejibin karin, ama mari karo dhalan geddis-hiddoside; labada halbeegba waxa loo garan karaa hal lammaane oo sal u ah taxanaha niyukliyootaydhka, kaas oo sameeya DNA.
hididdiilo Filasho la fisho wax la sugayey. ld yididdiilo.
hidin Kartida loo yeesho wax bixinta.
hifasho eeg hifo.
hifo Dhacdo hore ka eed sheegasho.
hig Cod lagu muujiyo buuxidda.
higaag (1) 1. Suun ama xarig weelasha qaarkood lagu dhuujiyo si aysan u furmin. 3. Dibbiro, fuur.
higaag (2) Suun weel ku dhuujin.
higaagad ld higaagasho.
higaagan (1) Wax fuursan ama dibbirsan noqosho.
higaagan (2) 1. Wax higaag ku xiran ahaansho. 2. Wax fuursan ahaansho.
higaagasho eeg higaago. ld higaagad.
higaagid eeg higaag².
higaagmid eeg higaagan¹.
higaagnaan eeg higaagan². ld higaagnaansho.
higaago Weel higaag ku dhuujisasho.
higgaad Ku dhawaaqidda ama qoridda xuruufta erey ka koobanyahay. ld hikaad, hingaad.
higgaadi Xuruufta erey ka koobanyahay qorid ama ku dhawaaqid. ld hikaadi.
higgaadin eeg higgaadi. ld higgaadis, hikaadin, hikaadis, hingaadin, hingaadi.
higgaadis ld higgaadin.
higgasho ld hingood.
higgo (1) ld hingo¹.
higgo (2) ld hingo².
higgoo ld hingoo.
higgood ld hingood.
higil Muuqaal meel fog laga arko oo aan la sixi karin waxa uu yahay.
higley ld higlo.
higlo Geed dhirta waaweyn ka mid ah oo aan qodax lahayn, weligiis cagaaran, miro la cunana leh. ld higley.
higsasho eeg higso.
higso Si degdegsiinyo leh, wax horay u tegey u tiigsasho.
<< < 729 730 731 732 733 734 735 736 737 738 739 > >>