Ereyga Maanta: miliilic
ilxaad Inkiridda jiritaanka Ilaah.
ilxaax (1) 1. Lumidda rabitaanka wax loo qabay marka ay indhuhu ka bataan araggooda. 2. Baryo aad u badan.
ilxaax (2) 1. Wax indhaha ka batay rabiddii loo qabay lumid. 2. Wax si aad ah u baryid.
ilxaaxid eeg ilxaax².
ilxaydh (c.nafl.) Lakabka sare ee adag ee isha lafdhabarleyda. Isha xaggeeda hore, ilxaydhu waxay isu beddeshaa koorniya.
ilxayr Meesha godan oo isha iyo dhegta u dhexeeysa.
ilxir 1. Maro, derin iwm oo aqal, qol, iwm lagu kala qoqobo. 2. Inta ka dambeysa ilxirka oo la seexdo (qolka). ld ila-xir.
ilxoolaadi Wax baylah ka ilaalin iyada oo aan muhimad dheerraad ah la siinayn.
ilxoolaadin eeg ilxoolaadi. ld ilxoo-laadis.
ilxoolaadis ld ilxoolaadin.
ilxumaan eeg ilxun. ld ilxumaansho, ilxumo.
ilxumaansho ld ilxumaan.
ilxumo ld ilxumaan.
ilxun Wax aan xaaladdiisu wanaagsaneyn ahaansho.
ilyar 1. Nooc gambada ka mid ah oo leh ilo badan oo yaryar. 2. Nooc shabaagta lagu jillaabto ka mid ah.
ilyaro Marinka ilmada.
imaad ld imaansho.
imaam 1. Nin dadka salaadda tujiyo. 2. Madax. 3. Nin aqoonta diinta muslimka aad ugu xeel-dheer. ld imaan.
imaamnimo Imaan ahaansho.
imaan ld imaam.
imaasho eeg imow. ld imaad, imaatin.
imaatin ld imaasho.
imbaryoolaji (baay.) Barashada kori-taanka xayawaanka marka laga soo bilaabo ukun bacrisan ilaa iyo uu ka noqdo noole qaangaadh ah.
imberadooriyad Boqor-tooyo.
imberyaaliyad ld imbiryaaliyad.
imbili 1. Furka dhalooyinka cabitaanka. 2. Ciyaar ay caruurtu ciyaarto oo ay ku ciyaaraan furka dhalaooyinka.
imbiryaaliyad Siyaasad dawlad weyni ku dhaqanto oo dawladaha yar yar ku khasbaya in ay danaheeda fuliyaan. ld imberyaaliyad.
imkaniyad Awood dhaqaaleed.
immin ld ammin.
imminka Goorta la joogo; hadda; haddeer; eegga. ld amminka.
<< < 783 784 785 786 787 788 789 790 791 792 793 > >>