Ereyga Maanta: qurdan
dhayalsi ld dhayalsasho.
dhayalso Arrin fududaysasho.
dhayan Wax la dhayay ahaansho.
dhayasho eeg dhayo.
dhaydaq Dh. ah: caano fadhi ah.
dhaydhay Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo toostoosan oo dhuudhuuban oo leebabka laga dhigto.
dhaydhayasho eeg dhaydhayo.
dhaydhayo Qof koolkoolin.
dhaygag (1) 1. Yaab awgiis meel ama wax iyadoo aan la libiqsanayn. 2. ld dhaygagid.
dhaygag (2) Ku dh.: yaab awgiis wax iyadoo aan la libiqsanayn eegid.
dhaygagid egg dhaygag². ld dhaygag¹ (2).
dhayid eeg dhay4. ld dhaymo (3).
dhayl (1) 1. ld dhaylo. 2. dheel².
dhayl (2) Neef yaraan ku qalasho.
dhayladhufaan (1) ld dhayladhufaamid.
dhayladhufaan (2) Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga bixin.
dhayladhufaanad ld dhayladhufaanasho.
dhayladhufaanasho eeg dhayla- dhufaano. ld dhayladhufaanad.
dhayladhufaanid eeg dhayladhufaan². ld dhayladufaan¹.
dhayladhufaano Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga baxsasho.
dhaylaqaad Dh. ah: weyl yar oo caato ah oo sacii laga maalay ee aan lagu dayn.
dhayli Ilmo markaas dhashay dilid.
dhaylid eeg dhayl².
dhaylin eeg dhayli.
dhaylo 1. Xoolaha ama ugaarta yaryar hilibkooda jilicsan oo aan weli adkaan. 2. ld dhayl 1 (1).
dhayloobid eeg dhaylow.
dhaylow Hilib wax karis lagu jilciyey noqosho.
dhaymo 1. Marinta dawo meel bugta la mariyo. 2. Dufan weelasha iyo alaabta dusha laga mariyo. 3. ld dhayid.
dhaynaan eeg dhayan. ld dhaynaansho.
dhaynaansho ld dhaynaan.
<< < 113 114 115 116 117 118 119 120 121 122 123 > >>