Ereyga Maanta: raysmaggaarto
qoyaami Wax qoyaan gaarsiin.
qoyaamin eeg qoyaami.
qoyaan Raadka uu ku reebo hoore siiba biyo ama caano iwm shey uu saameeyey.
qoyan Wax qoyaan gaaray ahaansho.
qoyanaan eeg qoyan. ld qoyanaansho.
qoyanaansho ld qoyanaan.
qoyid eeg qoy.
qoyn eeg qoo.
qoys 1. Laba isu dhexda iyo carruurtooda; xaas. 2.Qolo; reer.
qub (1) Diir; dub; qolof.
qub (2) Shanqar, dhawaaq (wax la garaacay).
qub (3) Wax weel gudahiisa ku jira daadin.
qubad (1) Badar aan la abuurin ee iskii iasaga baxa.
qubad (2) ld qubasho.
quban Wax la qubay ahaansho.
qubasho eeg qubo². ld qubad².
qubbad 1. (-do, m.l) Dhismo kubbad nuskeeda sare u eg oo laga dul dhiso masaajiddada, kaniisadaha, qabuuraha iyo guryaha qaarkood. 2. Badda inteda xeebta ka fog. ld qubbo.
qubbad shiileed (jool.) Gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.
qubbo ld qubbad.
qubee U q.: cid biyo ugu mayrid. ld qabee.
qubeyn eeg qubee. ld qabeyn, qabeys, qubeys.
qubeys ld qubeyn.
qubeysasho eeg qubeyso. ld qabeysasho.
qubeyso Biyo ku mayrasho. ld qabeyso.
qubid eeg qub².
quble 1. ld qoble. Roob muddo dheer da'a oo aan biyo badan lahayn. 2. Neef lab oo la dhufaanay; mallooli. 3. Neef aad u caato ah.
qubleey Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo Xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dheecaan geed; maanyo, manyiikay; libin.
qubnaan eeg quban. ld qubnaansho.
qubnaansho ld qubnaan.
qubo (1) Xamaarato badda ku nool oo diinka la bah ah.
<< < 1225 1226 1227 1228 1229 1230 1231 1232 1233 1234 1235 > >>