Ereyga Maanta: hoolan
abjedld abjad.
abkow1. Awoowe. 2. Awoowe aabbihiis; abuullan.
abkownimoAbkow ahaansho.
abla'ablaynBarashada aragtida, jaraynta, iyo xeerarka kala soocidda naflayda kuwii dabar go'ay iyo kuwa hadda jooga.
ablaawe1. Qof aan ciddii uu ka soo farcamay la aqoon. 2. Qof aan meher ku dhalan; wacal; garac.
ableyBillaawe weyn oo dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir. ld amley.
abnaq1(xis.) Tirada soo baxda marka la isku dhufto dhammaan abyooneyaasha togan ee ka yar ama le'eq abyoone togan ee la isa siiyey. Abnaqa abyoone n oo loo qoro n! waa: (n - 1) (n - 2) (n - 3) ... 3. 2. 1. Cidala isku raacay o! = 1.
abnaq2Cilmiga abtiriska.
abnaq3U a.: cid u abtirin.
abnaqideeg abnaq³.
aboobideeg abow.
aboodiNooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.
aboor1Waxar ayadoon naaskii hooyadeed ka go'in biyo-cabbid bilowday.
aboor2Cayayaan yaryar, cawlan, oo leh lix lugood iyo ilka adag oo beel beel u dega, dundumooyinka sameeya.
aboornimoAboor ahaansho (waxar).
abootannimoAbooto ahaansho.
abootoHooyada hooyadeed ama aabaha hooyadii; ayeeyo, macooyo.
abooto-idabbadisAyeeyo-lugdheer.
abqaad(baay.) Ka rujinta geedka laga rujiyo meel ee la geeyo meel kale. Tus. “Ka saaridda geed dheri lagu beeray ee loo wareejiyo dhulka”.
abqoMiro dhuuban, galoolan, dhexda iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhameel. ld aqbo, qabco.
abraar11. Orod degegsiinyo leh oo hadba dhan loo ordo. 2. abraarid. ld abraarid.
abraar21. (f.g) Meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid. 2. (f.mg) Si degdegsiinyo leh hadba dhan ugu ordid.
abraarideeg abraar². ld abraar¹ (2).
abraarsiiWax meel ciriiri ah xoog ku dhex marin.
abraarsiineeg abraarsii.
abraarsiisld abraarsiin.
abriilBisha afraad ee sannadka miilaadiga ah. ld abriile.
abriileld abriil.
abrisHalaq madow oo gaaban oo waabaayo halis ah leh, oo afka iyo dabada wax ku qaniina inta badanna aan suntiisa laga kicin.
absaxanWaalid, isir, ab.
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>