berribiyood Dir ka mid ah lafdhabarleyda sida raha. Berribiyoodka waxa lagu tiriyaa inay yihiin xayawaankii ugu horreeyey ee lafdhabarleyda ahaa ee dhulka ku noolaa, qaar badan oo astaamahooda ka mid ahina waxay muujinayaan inay qabatimeen nolosha berriga.
berridambe Maalinta markaas la joogo ayaanteeda saddexaad oo soo socota; saaddambe.
berrin Meel bannaan, dhir ku hareereysan oo degaan ku habboon, ruun.
berrito ld berri² (1).
berriyeed (baay.) Noolayaasha ku nool dhulka.
bersad ld bersed.
bersed Qeyb guriga ka mid ah oo fadhi loogu tala galay. ld barsad, barso, bersad, berso.
berso ld bersed.
bes 1.(ld bis) 2. Erey lagu yiraahdo dameerka marka la doonayo in la joojiyo. 3. Erey loo jeediyo qof hawl hayey si uu u joojiyo. 3. B.tay baan ahay: waan liitaa.
betrooliyam (kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).
bey (1) Midab cad oo madow yari ku dheehanyahay oo ay yeeshaan lo'da, fardaha iyo riyaha.
bey (2) Nooc ka mid ah halaqyada waaweyn oo leh waabaayo halis ah.
bey'ad Degaan. ld bii'ad.
beycad Midab ciira boos ah oo caddaan xiggeen ah oo ay yeeshaan lo'da iyo fardaha. ld giircad.
beycas Midab ciira boos ah oo casaan yar ku dheehanyahay oo ay yeeshaan lo'da fardaha iyo riyaha. ld beyguduud.
beyd 1. Guri; aqal. 2. Hal sadar oo maanso ah.
beydacar Bey midab dacar ah ku dhafanyahay.
beygag (1) ld baydadid.
beygag (2) ld baydad².
beygagi ld baydadi.
beygagid ld baydadid.
beygagin ld baydadin.
beyguduud Midab lo'aad ah, bey guduud ku dhafanyahay. ld beycas.
beymmadow Midab bey ah oo madowgu ku badan yahay. ld giirmadow.
beynaad Bir mindida u eg oo labada dhinac af ku leh oo buntukha afkiisa la suro.
beynajaho Afarta jaho middood.
beys (kiim.) Iskudhis sii daaya ayoonka haydarogsayl, OH- , marka uu ku jiro milan-biyood. Milannada beysyada ahi waxay leeyihiin pH ka sarreeya 7.
beytalmay Musqul.
beytimmaal (1) 1. B. ah: hanti baylah ah. 2. Keydka dhexe ee Dawladda Islaanka. ld baytammaal¹, baytimmaal¹, beytummaal¹.
beytimmaal (2) Hanti baylihid. ld baytammaal², baytimmaal², beytummaal².
<< < 134 135 136 137 138 139 140 141 142 143 144 > >>