Ereyga Maanta: umaamadan
bir (2) (kiim.) Curiye kasta oo kiimikaad oo ah adke widhwidha, danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya.
bir (3) Wax sida iftiin bilig dhihid.
bir-ajuuraan 1. Bir budo laga dhigay oo lagu daaweeyo caruurta caddaadka qabta. 2. ld birxaar. 3. bir 1 (3).
bir-u-eke (kiim.) Curiye kasta leh astaamo u dhexeeya kuwa biraha iyo kuwa birma-ahayaasha. Sida runta ahna, ma jirto kala soocid cad oo lagu kala qaybiyo biraha iyo birma-ahayaasha. Marka kalka tusaha kalgalka bidix ilaa midig loo socdaba waxa laga tegayaa astaamaha biraha lana tegayaa astaamaha birma-ahayaasha.
biraha-alkaali (kiim.) Curiyayaasha ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay dhammaantood ku leeyihiin hal elektaroon heertamarkooda ugu sarreeya. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay I. Ogsaydhadoodu waxay ku milmaan biyaha si ay u sameeyaan alkaaliyo. Biraha alkali waa litiyam (li), soodiyam (Na), botaasiyam (K), rubiidiyam (Rb), susiyam (Cs) iyo faransiyam (Fr).
birayn eeg biree.
bircayd ld burcayd.
birdaawe Weel fidsan oo bir ah, leh dheg la qabsado oo canjeerada iwm. lagu dubo; birlaxooxeed. ld birdaawo, birtaawe, birtaawo.
birdaawo ld birdaawe.
birdanab Bir la aaminsanyahay in ay danabka la socota oo dhulka gasho waxay ku dhacdana disha.
birdhaf (kiim.) Iskujir ka kooban laba birood ama in ka badan (sida boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil). B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku laban ama iskujir iskukaan ah.
birdhi 1. Macdan qaali ah. 2. Cad yar oo xabag ah. 3. ld birdhic.
birdhic 1. Bar yar oo leh midab ka geddisan meesha ay ku taal. 2. ld birdhi.
birdhig (1) ld birdhigid.
birdhig (2) U b.: wax sida cadow iwm oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid.
birdhigid eeg birdhig². ld birdhig¹.
bire Weel qori ka samaysan leh af ballaaran sidde la qabsado oo geela lagu maalo, gaawe, toobke. ld bure.
biree 1. Nafley dhuunta iyo halbowlayaasha mindi ugu goyn. 2. Neef la qalanayo si sharciga waafaqsan dhuunta iyo halbowlahayaasha mindi ugu goyn.
bireeris (juqr.) Duuduubka deggan, badanaa: fidsan, guud ahaan aan dhir lahayn, bannanno caws leh - dhul cawsaadka loolka dhexe - ee woqooyiga maraykanka, ee qariya gobollada koonfureed ee Alberta, Saskatuun iyo Manitoba oo Kanada ah iyo Badhtamaha midowga Mareykanka ilaa bilow-kureed Buur Dhadhaabeedyada oo ay ugu barayeyso ilaa dhigta harada Mishigan.
biresbiyobiya (daaw.) Dhibaato lagala kulmo akhriska caadiga ah iyo fulinta hawlo dhow oo ay keento hoos u dhac xagga aragga oo da'du keento, taasoo ishu ayan awoodin in ay beddesho qallooca birta isha si ay faseex ugu aragto wixii u dhow. Sababta middaas waxay tahay ayadoo marba marka ka dambeysa ay lumeyso awood jiitimaadka birta isha (lens) sidaas awgeed qallooceedu ma beddelmi karo marka si fiican ugu muuqan mayaan wixii u dhow. Waxa lagu saxa muraayadaha indhaha oo uu takhtar kuu qoro.
biri Dab iwm holcin.
birid eeg bir³.
biriir 1. Gaashi weyn, cad oo ku taal neef lo'ah oo midab aan caddaan ahayn leh. 2. Caro ama naxdin laga dareemo qofka wejigiisa. ld bariir.
biriiri Weji biriir u yeelid.
biriirin eeg biriiri. ld biriiris.
biriiris ld biriirin.
biriirix Wax aqoon yar ka helid.
biriirixid eeg biriirix.
biriiryaabid eeg biriiryow². ld biriiryow¹.
biriiryow (1) ld biriiryaabid.
<< < 145 146 147 148 149 150 151 152 153 154 155 > >>